UCID Oo Masuuliyadda Dhibaatada Xariirad Dusha Ka Saaray Xukuumadda Somaliland

1
551

 

Hargeysa(Geeska)-Xoghayaha Arimaha Gudaha iyo Xidhiidhka Gobolada Xisbiga UCID Abdi M.Saleiman(Mingiste) ayaa Xukuumadda ugu baaqay inay mudayso shirweyne qaran oo lagaga tashanayo xaaladaha adag ee uu dalku ku jiro. Waxa kale oo uu xukuumadda  ku Eedeeyay inay dhibaatadda ka taagan Saylac iyo Xariirad iyadu sabab u ahayd. Warsaxaafadeedka uu soo saaray Mr. Mingiste, wuxuu ku yidhi sidan “Xisbiga UCID wuxuu si weyn uga walaacsan yahay arinta Saylac,oo runtii in mudo ahba soo jiitamaysay.Xisbiga UCID wuxuu kaloo si weyn uga naxayshilka ka dhacay 05 Mar 2013 degaanka Xariirad oo ka tirsan Gobolka Salal,ee Somaliland oo sababay dhimasho aad looga naxo.

Haddaba Xisbiga UCID ,isagoo dareen weyn ka qaba xaalada cakiran ee hore uga taagneyd Gobolka Salal iyo xaalada ka soo cusboonaatay maalmihii ugu dambeeyeyba ,waxaanu soo jeedinaynaa qodobadan :-

Xisbiga UCID wuxuu qabaa in maamul xumada Xukuumada xilka haysaa ay masuul buuxa ka tahay dhibka Saylac ,kana soo bilowday nimaad xumadii Doorashooyinkii, iyo arimaha Deeganka Saylac oo laga leexiyey nimaadka Dastuuriga ah ee Doorashooyinka,lagana dhigay nidaam beeleed.

Waxaa cid waliba ka dheregsan tahay in guud ahaan reer Somaliland ay ku soo nabad iyo caano maaleen,nabada iyo horumarka ay maanta haystaana ay ku gaadheen ,wada hadalka,isdhegaysiga,isu tanaasulka iyo is qaderinta. Sidaa daraadeed waxaanu shacabka walaalaha ah ku boorinaynaa dhabar adayg iyo in ay dhowraan wada noolaanshahooda.

Xisbiga UCID wuxuu qabaa in aanay dadka wada degan Gobolka Salal wax dhib ahi ka dhaxayn,wixii tabasho ahna  shacabka walaalaha ahi ay si fudud u dhamaysan karaan.

 Wax gaadka,Madaxdhaqameedka guud ahaan reer Somaliland,gaar ahaan Beelahaa wada degan Gobolka Salal waxaanu ka codsanaynaa in ay si wada jir ah loogu gurmado,sidii nabad iyo deganaansho loogu soo dabaali lahaa muranka ka taagan Gobolka Salal.Waxaa haboon in Maskaxda la adeegsado,ee aan qoriga la adeegsan.

Ugu Dambayntii haddii aanu  nahay Xisbiga UCID  waxaanu  Xukuumada ugu baaqaynaa in ay si deg deg ah u mudayso Shir wada tashi Qaran ah,kaas oo lagaga wada tashanayo arimaha adag  ee  dhicyada Dibloomaasiyada,nabadgelyada iyo Dastuurka,ee maanta dalka soo wajahay.”

 

Comments are closed.