Muxiyadiin Axmed Oo Ku Dhawaaqay Inuu Yahay Musharax U Taagan Doorashada Golaha Wakiilada

0
501

 

Picture3Hargeysa( Geeska )-Muxyadiin Axmed Xasan oo ka mid ah dhalinyarada gobalka Maroodi jeex, ayaa si rasmiya ugu dhawaaqay inuu u sharaxn yahay  tartanka doorashada golaha wakiilada ee soo socota.

Musharaxan da’da yar ayaa daboolka ka qaaday inuu si weyn ugu heelan yahay hadii uu guulaysto in uu ololayaal loogu hiilinaayo dhalinyarada ka sameeyo galaha wakiilada ee la soo dooran doono gudahiisa, waxaanu xusay inuu maankiisa ku hayo dareenka wakhtigan ee dhalinyarada Somaliland.

Muxyadiin Axmed Xasan oo u waramayay Wargayska Geeska Afrika, ayaa isaga oo ka hadlaaya hamigiisan waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “ Waxaan ku dhawaaqayaa inaan ahay musharax u taagan doorashada golaha Wiilada ee soo socotay, waxaan doonayaa inaan ka mid noqdo dhalinyarada ka qaybgali doonta tartanka doorashada wakiilada, waxaan filayaa inaan ahay qof dhalinyaro ah oo dareemaya dhibta haysata dhalinyarada maadaama oo aan ka mid ahay, aqoontayduna wa mid dhisan, waxaanan doonayaa hadii aan guulaysto inaan golaha dhexdiisa uga ololeeyo dhalinyarada si looga joojiyo tahriibka looguna abuuro shaqooyin taasi waa mid aan ku baxin doono da’daal.”

Muxyadiin Axmed ayaa ka mid ah tiro dhalinyaro ah oo goobo kala duwan kaga dhawaaqday inay u tartami doonaan doorashada golaha wakiilada ee fooda inugu soo haysa.