Nayroobi (Geeska)- Geed hadhac ah oo tuulaha ku daraf kaga yaalla ayaa hoostiisa ay isugu yimaaddaan dumarka intooda hal-doorka ah ee talada la bidayaa si ay uga go’aan gaadhaan arrimaha muhiimka ah ee hadba noloshooda khuseeya, raggana waa ka mamnuuc in ay tuuladan soo galaan tan iyo markii la aas-aasay oo ahayd 25 sano ka hor.
Haweenay saxafiyad ah oo ka tirsan wargeyska The Guardian ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa soo tabisay qisada tuulaha keliya ee dunida ku yaalla ee ay dumar gaar u leeyihiin.
Tuulahan oo 350KM dhinaca galbeed ka xigta magaalada Nayroobi ee caasimadda Kenya waxaa asalkiisa hore sannadkii 1990kii samaystay 15 dumar reer Kenya ah, waxa aanay u bixiyeen Umoja oo ah erey afsawaaxili ah oo macnihiisu yahay ‘Midnimo’. Tuulahan waxaa hadda ku nool 47 dumar ah iyo 200 oo carruur ah iyo sidoo kale nin keliya oo aan isagu joogto ugu noolayn. Fikirka tuulahan lagu aas-aasay waxaa lahayd gabadh lagu magacaabo Najusi Lokimu oo ka soo baxsatay tuulihii ay deggenayd bilowgii Shagaashamaadkii qarnigii Labaatanaad, kadib markii ay kufsadeen saddex askari oo u dhashay dalka Ingiriiska oo ka mid ahaa ciidamada Qaramada Midoobey, kadib markii ay cidlo ka heleen iyada oo xoolo la joogta.
Lukimo oo arrintan ka hadlaysa ayaa tidhi, “Saygaygii ayaa aan u sheegay in fal-dambiyeedkaas la igula kacay, waxa aan ka filayey in uu ila fahmi doono duruufta, laakiin markiiba waxa uu bilaabay in uu i garaaco. … Isaga oo aad u qaylinaya ayaa uu ku celcelinayey, ceeb ayaa aad qoyskaygii u soo hoysay” Waxa ay sheegtay in muddo sagaashan maalmood ah ay miyiga kelideed cunto iyo biyo la’aan meeraysanaysay markii saygeedu gurigii ka eryey ee ay ceeb tuulihii uga soo firdhatay. Markii ay baxsatay waxa ay la kulantay dumar badan oo duruufaheedan oo kale soo mareen, kuwaas oo beeraha inta ay khudradda ka soo iibsadaan dib u sii iibin jiray, si ay nolol maalmeedkooda u daboolaan, kadib waa ay Lukimo la qaateen taladeedii ahayd in ay tuule u gaar ah dhistaan oo suuqa marka ay ka tagaan ay ku rawaxaan, isna caawiyaan. Waxa kale oo ay go’aan ku gaadheen in aanay sinnaba ragga ugu ogolaan in ay tuulahoodaas dergadaha ka samaysan soo galaan.
Tuulahan markii dambe waxa uu noqday goob dalxiis, oo dad badan oo jinsiyado kala duwan ahi ay si joogto ah u yimaaddaan si ay u soo arkaan duni dumar keliyi maamulaan kuna nool yihiin. Dhaqaale badan oo dalxiiska ka soo gala ayaana sii wanaajiyey noloshii dumarka iyo caruurta tuulaha, waxaana ay gaadheen heer ay ka maarmaan in ay u shaqo tagaan suuqyo ka baxsan tuulahooda, maadaama oo dadka tirada badan ee dalxiiska ahi lacag aad u badan wax kaga iibsadaan alaabooyinka iyo cuntooyinka kala duwan ee dumarkani tuulahooda ku hayaan. Sidoo kale waxa uu tuulahani gacan ka helay ururro iyo haayado arrimaha dumarka u dhaq-dhaqaaqa oo Qaramada Midoobey ka mid tahay.
Dumarkan oo mid kastaa ay leedahay qiso murugo badan oo soo kala martay rag, waxa ay tuulahan ku dhaqaan sharci aad u fogeynaya ragga, gabadha doonta in ay guursataa waa in ninka ay doonaysaa si dhuumasho ah duleedka magaalada uga helaa, oo halkaas ku haasaawaan, maalinta ay guur u noqotana waa in ay gabadhu tuulaha ka guurtaa oo ay ninkaas tuulihiisa iyo deegaankii kale ee uu geynayo u raacdaa, maadaama oo aan loo ogolayn in uu isagu tuulaha xitaa soo galo.
Ninka keliya ee tuulahan dumarka loo ogolyahay in uu galaa waa Latuki, isaguna si joogto ah uguma noola, qorraxdu marka ay soo baxdo ayaa uu yimaaddaa maalin kasta si uu u raaco una daryeelo xoolo tuulahan lagu dhaqo, marka uu gabbalku dhacana inta uu xoolaha tuulaha ku soo celiyo ayaa uu ka hulleelaa, shaqadan uu ku lacag qaataa waa shaqada ay hore dumarku caanka ugu ahaayeen. Ragga deegaankan ayaa aad uga hinaasay hal-abuurka dumarkan tuulaha gaarka ah samaystay, meel ka durugsan tuulahan dumarka ee Umoja ayaanay ka dhisteen tuule ragga u gaar ah, laakiin xiisaha iyo soo dhoweynta uu tuulahan dumarku helay ma’ay helin cidina ma’ay baran.