Qodobada 42 iyo 83 Miyaaney Ahyen Kuwa Dastuurka S/L Ku Qoran?

0
525

Picture1Go’aanki maxkamadda sare ee dacwaddi madaxweyne Silaanyo u gudbiyey si ay u kala gar naqdo heshiiski seddexda xisbi qaran ee S/L wadani,Ucid,Kulmiye iyo go’aanki muddo kordhinta ee guurtida waxey ku salaysey maxkamaddu asbaabahan soo socda:1-In aanu madaxweynuhu ka codsan fasiraad dastuuri ah qodabada ay guurtidu ku salaysey go’aankooda muddo kordhinta balse kali ah uu ka codsadey ka labada qodob saxda ah ee la qaato ( Mana garan karo anigu sida qodobkasi tafsiir la’aan sax u noqon karo maxkamadda dastuuriga ahna go’aan uga gaadhi karto )  .. 2-In seddexda xisbi, qodobka labaad ee heshiskooda ku qireen in go’aanka guurtidu ee muddo kordhinta uu sharci yahey .Haddaba qodobkaasi ma noqon karo mid xujo ku ah axsaabta sexeexdey heshiishkaa, waayo mar haddi dacwaddu timid maxkamadda dastuuriga  iyada looga fadhiya kaligeed fasiraad sharci oo ku saleeysan dastuurka S/L ee maaha wax ay qoreen seddexda xisbi qaran ..  ..  3-In aanu jirin heshiis ay seddexda xisbi u dhan yihiin ka hor go’aanka guurtida ee muddo kordhinta .Haddaba haddi u jiri laha heshiis seddexda xisbi qaran ay u dhan yihiin ka hor go’aanka guurtida, ima muuqdo saameeynta sharci ee uu ku yeelan karo go’aanka maxmadda sare ee sheegeysa in guurtidu xaq u ledahey muddo kordhin sida ku xusan qodabka afraad ee qoraalkan .. 4 – In qodobada dastuurka ee 42 faqradda (3)iyo  83 faqradda ( 5) ay guurtidu xaq uu siineyso in muddo kordhin uu sameeyso muddo xileedka madaxweynaha,madaxweyn ku xigeenkisa iyo golaha wakiiladda ama goleyaasha la doortey haddi doorasho dhici weydo .. ( qodobka guddiga doorashada)