Tuug Jeebka Nin Uu Xadayey Ka Helay Afar Sawir Oo Xaaskiisu Ay Leedahay

0
629

Hargeysa (Geeska)- Si kadis ah ayaa uu Booliisku u qabtay nin xadaya jeebka nin dhalinyaro ah oo suuq maraya. Nin booliis ah oo la socday markii uu ninkani la baxay Shandad jeeb yar oo ninka dhalinyarada ahi uu jeebka ku sitay ayaa qabtay kadibna geeyay Maxkamaddii deegaankaas.

Tuugu ma’ uu dafiri karayn falkan tuugada ah ee lagu hayo, waayo shandad-jeebtii uu kala baxay ninkan oo uu fadhayo ayaa lagu qabtay, markii dacwaddii lagu soo oogay lana waydiiyay in uu ka hadlo, waxaa la filayey in uu si uun u dafiri doono, laakiin waxa uu sameeyey qiraal yaab leh.

“Garsoore, waan qirsanahay dambigan la igu haysto ee xatooyada ah” ayaa uu yidhi, isaga oo garsoorihii iyo dacwad-soo-oogihiiba ay yaabban yihiin, una arkaan in uu ka furtay hawl badan oo ay uga baahan lahayd soo caddaynta eeddani, waxa aanu intaas ku sii daray, “Garsoore, waxa aan kaa codsanayaa in aad igu xukunto wixii tuugada u xukun ah” Haddii uu intaas arrinta ku joojin lahaa waa ay fududaan lahayd ee tuuggii waxa uu ku sii daray, “Garsoore waxa kale oo aan kaa codsanayaa in aad isla hadda xaaskayga iga furto” Garsoorihii oo yaabban, ayaa yidhi, “Gartay, xukunka tuugada, laakiin maan fahmin sababta aad u dalbatay furriinka xaaskaaga oo aanay dacwaddeedu meeshaba oolin” Tuuggii ayaa ku jawaabay, “Garsoore, Shandadda aan ninkan jeebkiisa ka xaday, waxa aan ka helay afar sawir oo ay gabadhaydu leedahay, waxaana ii caddaatay in ninkan aan xadayey uu xidhiidh qarsoodi ah la lahaa Xaaskayga”