Tukaraq Oo Mar Kale Laga Cabsi Qabo In Dagaal Ka Qarxo Iyo Puntland Oo Fadhiisinkeeda Soo Dhoobtay Maleeshiyo Beeleed

54
3815

Hargeysa(Geeska)-Ciidamada qaranka Somaliland ayaa ku jira heegan buuxa, ka db markii ay Puntland ciidamo ururis ah soo dhoobtay jiidda la isku horfadhiyo.

Maleeshiyaadka Puntland ayaa kooxo kooxo u soo gaadhaya deegaanka ay ku suganyihin, waxaanay u muuqdaan inay u diyaar garoobeen inay mar labaad dagaal ku soo qaadaan ciidanka qaranka Somaliland. Habeen hore waxa ay maleeshiyaadka Puntland ku soo tuur-tuureen ciidamada Somaliland hubka culus, iyagoo ciidanka qaranka Somaliland-na kaga jawaabay hub culus oo ay ku ganeen goobihii hubka lagaga soo riday.

Barqadii shalay waxa ay maleeshiyaadka Puntland u muuqdeen inay dagaal ku soo qaadayaan Somaliland, iyagoo subixii la siiyay amaro dhawr ah oo nuxurkoodu ahaa inay dagaal u diyaar garoobaan islamarkaana sameeyaan is balaadhin ciidan.

Daan-daansigan Puntland ayaa sababi kara dagaal khasaare badan keena oo ka dhaca deegaanka Tukaraq ee gobalka Sool.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa toddobaadkan tiraba saddex goor oo kala duwan sheegay in maamulkiisu u diyaar garoobay dagaal uu ku qaadayo ciidamada Somaliland, waxaanu sameeyay koox uu ugu yeedhay guddiga difaaca Puntland oo soo saaray awaamiir iclaamin dagaal ah.

Si kastaba ha ahaate Qaramada Midoobay oo hore u soo saartay baaq nabadeed, ayaa u muuqata inay daawanayso dagaal mar kale ka qarxa Tukaraq, iyadoo uu Madaxweynaha Puntland Mr. Gaas hore ugu sheegay ergayga Qaramada Midoobay inuu dagaal qaadayo bisha Ramadaan ka hor kaas oo uu kaga dhabbeeyay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here