Khataraha Caafimaad Ee Ka Dhasha Cunista Milixda

0
1307

Hargeysa (Geeska)- Milixda cuntada lagu darsadaa waxa ay ka mid ah waxyaabaha dhinaca cuntada loogu isticmaalka badan yahay dunida oo dhan. Waxa leedahay noocyo iyo midabbo aad u kala duwan. In kasta oo ay dad badani ka aaminsan yihiin in ay caafimaad ahaan kala fiican tahay, haddana waxa ay cilmibaadhisaha caafimaadku marar badan siyaabo kala duwan u muujinayaan in milixda oo noocyadeeda oo dhan ahi ay khatar ku tahay caafimaadka. Bare-sare Johannes Georg Fishcler, oo ah xeeldheere Jarmal ah oo ku takhasusay caafimaadka uur ku jirta iyo nafaqaynta ayaa isaga oo ka hadlaya sida aanay milixdu u kala faa’iido badnayn waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “Noocyada milixda ee qiimaha qaaliga ah lagu iibiyaa, caafimaad ahaan kama fiicna milixda kale.”

Milixda oo noocyadeeda oo dhan ahi, waxa ay ka koobantahay ugu yaraan boqolkiiba 97 ah Naatariyam Koloraydh (Sodium Chloride) oo in ay jidhka ku badataa aanay caafimaadka u fiicnayn.

Jimciyadda nafaqada ee dalka Jarmalka ayaa warbixin ay milixda kaga warrantay ku sheegtay in xaddiga ugu badan ee qofka caafimaad ahaan loo ogolyahay in uu milixda maalintii ka isticmaalaa ay tahay 6 Giraam oo keliya. Xaddi intaas ka badan oo jidhka galaana waxa ay khatar ku tahay caafimadka. Waxa ay warbixintu si gaar ah u tilmaamtay in milixdu ay kor u qaaddo khatarta dhiigkarka, oo ay isagana ka sii dhashaan xanuunno badan oo ay ka mid yihiin xanuunnada dila xididdada dhiigga, wadne xanuunka iyo dhiigfuranka maskaxda.

Tijaabo lagu sameeyey xaddiga milixda ah ee celcelis ahaan dadku cuntada ku darsadaan ayaa lagu ogaaday in tusaale ahaan in xabbad kasta oo Biitsa (Pizza) ah ay ku jiraan 6 garaam oo milix ah. Waxa kale oo la ogaaday in cuntooyinka qasacadaysan iyo cuntada degdegga ah ee suuqyada lagu iibiyo ay ku badan tahay milixdu, sidaa awgeed ay muhiim tahay in qofku inta aanu iibsan akhriyo xaddiga milixda ah ee u ku jira.

Ugu dambayntii waxa ay khubaradu ka digeen in lagu dagsoomo milixda noocyada badan ee iyaga oo diyaarsan dalalka kala duwan ee dunida laga soo dhoofiyo, kuwaas oo inta badan ay dusha kaga qoran yihiin ereyo xayeysiis ah oo qofka moodsinaya in aanay lahayn dhibaatadii caafimaad ee milixdu lahayd. Laakiin runtu ay tahay in aanay ka khatar yarayn milixda kale ee dabiiciga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here