Madaxweynaha Maraykanka ayaa diiday in uu xidho maskaarada / marada afka iyo sanka lagu xidho si looga taxaddaro Farayska Koroona. Maadaama oo dadka qaba xanuunkan ee aanay calaamadihiisu ka muuqani ay Fayraska gudbin karaan.
Donald Trump ayaa sheegay in aanu qaadanayn talo uu dhowaan jeediyey madaxa Komishanka adeegga caafimaadka dadweynaha, Jeroma Adams oo sheegay in si loo xakameeyo faafista cudurka loo baahan yahay in qofku uu maskaaro ama gobal maro nadiifa ah ku xidho afka iyo sanka, isla markaana dadweynuhu kala durkaan. Waxa aanu sheegay in aanu doonayn in haybadda madaxweynenimada Maraykanku ay hoos u dhacdo marka madaxda uu la xidhiidhayaa ay arkaan isaga oo afka xidhan. “Anigu shakhsi ahana ma doonayo in aan xidho” ayaa uu yidhi Trump ii warbaahintal a hadlayey, isaga oo intaas ku daray in ay ahady talo la soo jeediyey, laakiin isagu uu dareemayo in uu caafimaadkiisu fiican yahay.
Sida ay faafisay majaladda Newsweek Trump waxa uu intaas ku sii daray, “Waxa aan si uun isu tusay in aanay habboonayn in aan maradan xidho marka aan fadhiyo xafiiskaas aqalka cad iyo miiskaas quruxda iyo haybadda badan gadaashiisa, maadaama oo aan salaamayo madaxweyneyaal, raysalwasaareyaal, kelitaliyeyaal, boqorro iyo boqorado” waxa se uu sheegay in ay suurtagal tahay in aragtidiisaasi ay isbeddesho.
Haddaba haddii Trump uu diiday in uu afka iyo sanka duubto waxaa jira madaxweyne kale oo isagu kaba sii fogaaday halkaas. Waa Jair Bolsonaro, madaxweynaha dalka Baraasiil oo xanuunka Farayska Corona ka qaatay siyaasad ka duwan ta ay dunida inta kale ka qaadatay, ee haddana weli lagu joojin kari la’yahay dhimashada uu sababayo ee tobannaanka kun kor u dhaaftay adduunka. Waxa uu dadkiisa ku dhiirrigeliyey in aanay is karantiimayn, isaga oo afka furan ayaanu bilaabay in uu isagu suuqyada wareego dadkana si dabiici ah ula macaamilo. Arrintaas oo kalliftay in shabakadaha Facebook, Twitter iyo Instegram ay tirtiraan dhamaan muuqaallada ku saabsan Fayraska Koroona ee madaxweyne Jair Bolsonaro, iyaga oo sheegay in uu xog qaldan ka bixinayo Fayraska Korona-fayras.
Ninkan oo loo yaqaanno Trump ka Baraasiil, waxa uu hore u dhaliilay tallaabooyinka ay dawladgobaleeddada federaalka Baraasiil ka qaateen la dagaallanka Korona-Fayras oo la mid ah kuwa adduunka kale. Waxa aanu Fayraskan ku tilmaamay sida roob qoyn doona boqolkiiba 70 dalka. Laakiin dadka uu ku dhaco uu jidhkoodu abuuri doono hab difaac uu ku dilo, kaddibna ay sidaas Baraasiil xor kaga noqon doonto.
Madaxweynaha Baraasiil ayaa la sheegayaa in sababta uu sidan u yeelayaa ay tahay cabsi uu ka qabo in tallaabooyinka lagula dagaalamayo Fayraska Koroona ay dhaawacaan dhaqaalaha dalka, isaga oo horena u sheegay in dadka dalkiisu aanay laba ama saddexbilood oo karantiin ah u dulqaadan doonin iyada oo imikaba ay shaqo la’aantu aad u badan tahay. Laakiin dadweynaha dalkaas ayaa si aad ah uga horyimi aragtidaas madaxweynaha, oo mar horena Koroona Fayras ku tilmaamay in uu la mid yahay hargabka caadiga ah oo la buunbuuniyey. Waxa aanu diiday in la xidho dugsiyada, iyo dhaqdhaqaaqyada ganacsi ee dalka.
In ka badan kala badh dadka adduunka ayaa labadii toddobaad ee u dambeeyey guryahooda ku negaa, iyaga oo fulinaya tallaabooyinka ay dalwadahoodu ku xakamaynayaan faafitaanka Fayraska Koroona. Laakiin tallaabooyin noocaas ah oo ay dawladgobaleedyada Baraasiil dadka kaga joojiyeen meelaha la isugu yimaaddo ayaa uu madaxweyne Jair Bolsonaro ku tilmaamay keli talisnimo. Isaga oo sheegay in dadka reer Baraasiil marka horeba iyaga oo dhex gala xitaa biyaha bullaacadaha in haddana aanay bakteeriya soo iyo Fayras dhib gaadhsiin.
Jair Bolsonaro bannaanada ayaa uu u soo baxaa oo uu jidadka ku gacan qaadaa taageereyaashiisa, sawirrana la gala iyada oo aanay isaga iyo iyaga midkoodna afka iyo sanka xidhan. Waxa aanu ku dhiirrigeliyey in ay shaqaystaan noloshoodana ay caadi ka dhigtaan, iyaga oo keliya ilaalinaya dadka aad u gaboobay iyo dadka marka horeba xanuunsanayey. Inta la xaqiijiyey 18 kun iyo 176 ayaa uu Fayraska Koroona ku dhacay dalka Baraasiil waxaana illaa hadda u dhintay 957 qof.