Trump Oo Aqbalay In Ruushka U Dhacay Doorashada Maraykanka

0
624

Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Donald Trump ayaa aqbalay warbixin ay soo saartay hayadaha sirdoonka in Ruushka uu u dhacay doorashada madaxweynenimada Maraykanka , ayuu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan shaqaalaha Trump.

1

"Waxaan u malaynayaa inuu aqbalay, waxa lagu helay warbixinta " ayuu madaxa shaqaala madaxtooyada ee xilka la wareegaysa, Reince Priebus, u sheegay Fox News.

Ruushka ayaa beeniyay eedeymaha inay ka danbaysay u dhicida emailada xisbiga Dimoqoraadiga si wax loogu dhimo Hillary Clinton.

Afhayeenka Kremlin Dmitry Peskov, ayaa sheegay shalay in eedeymaha dad lagu raadsanayo oo aysan lahayn wax cadayn ah.

Madaxweynaha la doortay ee Trump ayaa loo soo bandhigay waxyaabaha lagu helay warbixinta madaxda sirdoonka Jimcihii.

"Ma diidana in dad Ruush ah ay ka danbeeyeen ololahan gaarka ah," ayuu sheegay Mr Priebus Axadii.

Laakiin ma uusan cadayn in Mr rump uu aamisan yahay in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, uu si toos ah u amray jabsiga kombutarada iyo in kale sida lagu sheegay warbixinta. the report (an unclassified version).

Kadib markii uu la kulmay Agaasimaha sirdoonka Maraykanka, CIA, John Brennan iyo Agaasimaha FBI James Comey, Mr Trump ayaa kulanka ku tilmaamay mid si fiican u dhacay.

Hadal uu soo saaray Trump ayuu ku sheegay in 90 maalmood gudaheed markuu xafiiska la wareego uu waydiisan doono qorshe sida lagu joojin karo weerarka kombutarada.