Bishii September 2007, nin la yidhaado Gerrit Six oo ah macallin isla mar ahaantaana ah suxufi u dhashay waddanka Belgium ayaa ku yaboohay inuu waddankiisu iib yahay ka dib markii uu xayeysiis ku soo dhejiyey shabakadda internet-ka ee caanka ah ee alaabada lagu xaraasho ee loo yaqaan E-Bay. Six wuxuu ku sheegay xayeysiiskiisa in waddanka Belgium uu yahay mid duug ah, qofka ku guulasyta xaraashkuna uu la wareegi doono amaah qaran oo ku go’an waddanka oo xaddigeedu yahay saddex boqol oo bilyan (national debt of $300 billion).
Waddanka Belgium ayaa xilligaas ku sugnaa qalalaase siyaasadeed oo ka dhex aloosnaa siyaasiyiintooda Flemish-ka iyo Walloon-ka (Flemish and Walloon politicians) oo dhaqan ahaan iyo luqad ahaanba ka soo kala jeeda Holland iyo France, qalalaasahaas oo markaas madaxa la galay maalintii 100aad iyadoo wax xal ah oo ka soo jeedaa aanay jirin.
Ninkii ugu horreeyey ee xaraashkaas ka qayb gala ayaa ku yaboohay 14 milyan inuu ku iibsanayo Belgium. Isla markiiba waxa arrintii soo dhex galay madaxda E-Bay oo xayeysiiskii meesha ka saaray ka dib markii wargeysyada dunida oo dhami wada qoreen in Belgium la xaraashayo lana baayacay. Midda kale ee muhiimka ahi waxay ahayd isagoo Six aan haysan dokumentigii sharciga ahaa ee caddeynayey inuu isagu leeyahay badeecadda uu iibinayo [waddanka Belgium]. Sidaa awgeed Gerrit Six way u suura geli weyday inuu iibiyo Belgium.
Six ayaa la weydiiyey waxa ku kalifay inuu waddankiisa xaraash u quudho oo uu weliba ku soo dhejiyo bogga alaabada duuga ah ee la nacay lagu xaraasho ee E-Bay. Six wuxuu ku jawaabay, “Waxaan doonayey in la i dhageysto” Wuxuu intaa raaciyey, “Waddankan Belgium si laguu dhageysto waa inaad daaqad muraayad ah iyo wax jebisaa”.
Waraysigii uu Faysal Cali Waraabe dhawaan siiyey Universal TV ayaa wuxuu ka dhignaa sida ninkaas Belgium-ka u dhashay. Waraysigaa argagaxa leh ee uu bixiyey Faysal ujeedadiisu waxay ahayd: Waxaan doonayaa in la i dhageysto. Faysal wuxuu isku sheegay inuu Somaliland ka yahay Gerry Adams sidaa awgeedna laga mamnuucay in codkiisa laga maqlo idaacadaha iyo TV-ga qarankaba- waa sida uu isagu isku sifeeyaye.
Gerry Adams wuxuu ahaa guddoomiyaha Sin Fein (loogu dhawaaqo Shin Feyn) oo ahaa xisbi siyaasi ah hase ahaatee lagu nisbayn jiray inuu ahaa garabka siyaasiyadda ee ururkii argagaxisada ahaa ee la odhan jiray IRA (Irish Republican Army) ee ujeedadiisu ahayd inay waqooyiga Ireland ay qori caaradii kaga gooyaan dhulweynaha Great Britain si loogu daro koonfurta oo ah Jamhuuriyadda Ireland .
Sidoo kale, Gerry Adams mabda’iyan wuxuu aaminsanaa in waqooyiga iyo koonfurta Jamhuuriyadda Ireland ay midoobaan. Shacabka waqooyiga Ireland oo u badan daa’ifadda Protestant-ka ee kiristanka ma jecla inay la midoobaan koonfurta Ireland, sidoo kale dowladda Ingiriiskuna ma jecla inay labada dhinac midoobaan.
Gerry Adams oo lagu tuhunsanaa inuu gacan saar la leeyahay IRA-da oo argagixiso loo arko ayaa dowladdii Margaret Thatcher ka mamnuucday in codkiisa idaacadaha iyo Telifishanada laga sii daayo waayo waxa loo arkayey nin lid ku ah rabitaanka aqlabiyadii shacabka waqooyiga Ireland.
Haddaba Faysal marka uu isku sheegayo Gerry Adams ayaan ka ahay Somaliland ma wuxuu isna doonayaa inuu Somaliland [Waqooyi] dib ugu daro Somalia [Koonfur]? Faysal caddaalad isumuu samayn markuu isku sifeeyey Gerry Adams- waa haddii aanu fikirka isku darka la qabin Gerry Adams.
Faysal qaladaad jira oo run ah ayuu ku sheegay waraysigiisa oo ay tahay inay xukuumaddu saxdo hase ahaatee kelmadihii afkiisa ka soo burqanayey umuu meel dayeyn taasina waxay keentay in wixii runta ahaa ee uu ku hadlayey ee uu dadka ka iibin lahaa ay hadheeyeen hadallo kale oo fitno abuur ah oo waraysigiisa ku jiray kuwaasoo asluubta iyo habdhaqanka qofka siyaasiga ah lagu yaqaano iyo xayndaabka qaranimadaba dibadda ka ah. Faysal oo lagu yaqaanay difaacidda Somaliland hadallada uu waraysigan ku sheegay waxay aad u farxad geliyeen cadowga Somaliland waxayna shaki farabadan kala dhex dhigayaan xukuumadda iyo shacabka Somaliland. Waxa ku jiray waraysigiisa hadallo waxyeelaynaya Somaliland oo jiritaankeeda khatar ku noqon kara (potential existential threat).
Faysal wuxuu yidhi, “ Siilaanyo ma aaminsana in Somaliland la ictiraafayo. Ha i maqleen [reer] Somaliland eh, Wallaahay iyo Billaahay, waaniga dhaaranayee, inaanu Siilaanyo aaminsanayn in Somaliland la ictiraafayo.” Dhaarta hoosta ka xariiq. Faysal wuxuu shacabka Somaliland iyo Somalida kaleba u sheegayaa inaanu madaxweynuhu daacad ka ahayn qaddiyadda Somaliland oo shacabka la khiyaamaynayo.
Faysal waxa kale oo uu xusay inuu Siilaanyo qoray warqad ah inaan Somaliland la aqoonsan markii uu mucaaradka ahaa. Waa eedeyn aad u weyn oo mug iyo baaxad leh. Hase ahaatee markii uu wariye Cabdisalaan Hereri weydiiyey maxaad caddeyn u haysaa arrintaas? Faysal wuxuu qirtay inuu ogaa oo uu ka warqabay warqaddaas. Si aad u fahamto Sababta uu Faysal eedayntaas iyo dhaarta isu raaciyey dib ugu noqo 13kii May 2013. Xukuumada Somaliland ayaa waqtigaas ku eedeysay Faysal Cali Waraabe inuu ogolaansho la’aan uu la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud mar ay isku arkeen xaflad ka socotay magaalada Birmingham ee dalka Britain. Wasiirkii hore ee Warfaafinta Somaliland, Abiib Diiriye, ayaa sheegay in ay “horay mowqif cad isaga taageen shirka London balse uu Faysal arrintaas jebiyey.”
Saxaafadda Somaliland iyo Somalia-ba beryo dhan ayey qaadaa dhigayeen oo ku dabaal degayeen kulankaas dhex maray Faysal iyo Xasan Sheekh Maxamuud. Xataa farshaxanka Amiin Caamir ee ku caanka ah sawirrada kartoonka ayaa sawir maad ah ka sameeyey Faysal oo dhegta ugu sheegaya Fowsiya, “20 sano ayaan dhaafi waayey UCID ee waxaan u dalacayaa Dam-jadiid ee u sheeg madaxweynaha”.
Laba casho ka dibna, 15 May 2013, Baafow oo ah weriye ka socda Universal TV ayaa waraysi la yeeshay Faysal. Baafow wuxuu Faysal ku yidhi, “Wasiirka warfaafintu [Abiib Timacadde] wuxuu sheegay in dowladda Somaliland iyo shacabkuba go’aan cad ka qaadan doonaan la kulankaaga dowladda Federaalka, markaa maxaad is-leedahay waa lagugu qaadi doonaa? Faysal intuu wax is-daba dhigay ayuu ku jawaabay “Haddii ay weliba immika aamusi waayaan [dowladda Siilaanyo], anigu sirri daari baan ahay, waxyaalo kale oo aan maanta arkayo inuu waddankaygu khatar ku jiro oon leeyahay hoos u dhammeysta ayaan badadda soo dhigi doonaa.” Faysal sirtaa uu sheegayey inuu dibadda soo dhigo doonaa waa waraysigan uu siiyay Universal TV ee Cabdisalaan Hereri ka qaaday.
Haddaba su’aasha halkan ka furani waxay tahay muxuu Faysal shacabka Somaliland ugu soo bandhigi waayey warqaddaas uu sheegayo inuu Siilaanyo qoray oo uu illaa muddadaa dheer ee laga soo wareegay doorashadii madaxtooyada u qarinayey? Muxuuse ugu shaacin waayey saxaafadda in Siilaanyo tallaabo qaran dumis ah uu ku kacay illayn taasi fursad fiican ayey isaga siin lahayd oo uu doorashada madaxtooyada kaga guulaysan kari lahaa Siilaanyo eh? Haddii uu madaxweynuhu ku kacay khiyaamo qaran sida uu Faysal ku dhaaranayo markaa waxa la odhan karaa isaguna kalkaaliyihiisa ayuu ahaa oo shacabka Somaliland denbi khiyaamo qaran ah ayuu ka galay waayo sida cad muddo dheer ayuu Faysal ogaa khiyaamadaas oo uu ka qarinayey shacabka reer Somaliland. Waxa cad in markay Siilaanyo isku dhaceen uu Faysal hadlay.
Inkastoo ay tabashooyin kalena ay kollayba iska jiraan Faysal mucaaradadiisu waxay gaar ahaan ku lug leedahay weftigii shirarka Somaliland iyo Soomaaliya oo intii dambe laga reebay gaar ahaanna kii Turkiga sidaa awgeedna uu Faysal dowladda la jihaadayo in lagu daro wefdi kasta oo arrimaha Somaliland iyo Somalia lagaga wada hadlayo. Haddaba waxa isweydiin leh Faysal maxaa tukke bal cad ka dhigay? Muxuu sidan ba’an ugu doonayaa inuu wada hadalada Somaliland iyo Somalia ka qayb galo? Waa maxay waxa isaga u gaarka ah shakhsi ahaan ama xisbi ahaan ee ugu haliilayo in lagu daro weftiga wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya? Muxuu mucaaradka iyo shacabka intiisa kale uu wax ula qabi waayey? Waa maxay waxa gaarka ah ee isaga ka lumaya ee muwaadiniinta kale oo dhan aan ka lumayn? Sababtu waxa weeye Faysal wuxuu weligii rumeysnaa welina rumeysan yahay inuu Siilaanyo iibinayo Somaliland sidaa awgeed aan isagana looga dheerayn Somalia.
Ma aha markii koowaad ee uu Faysal meel fagaare ah kaga hadlo weedho xambaarsan qabyaalad, rajo xumo iyo kala qaybsanaan gobolada Somaliland ka jirta intii uu xukunka hayey Siilaanyo. Mana aha markii ugu horreysay ee uu Faysal khiyaamo qaran ku eedeeyo masuuliyiin ka tirsan dowladdan Siilaanyo.
Hadda ka hor wasiirkii hore ee arrimaha dibadda, Maxamed Cabdillaahi oo shir Somaliland iyo Soomaaliya lagaga wada hadlayo kaga qayb galay London wuxuu Faysal bilaabay qaylo cirka iyo dhulku is-qabsatay. Faysal wuxuu ku tilmaamay in wasiirku ku kacay tallaabo ah “Khiyaamo qaran”. Isagoo ka xun inaan lagu darin wefdiga ka qayb galay shirkaas oo ka koobnaa Maxamed Cabdillaahi oo keliya wuxuu Faysal ku hanjabay shir saxaafadeed uu qabtay 20kii bishii February 2011 “Haduu [Maxamed Cabdillaahi] mar danbe tagana [Shirarka wadahadalada Somaliland iyo Somalia] cid kastaa way tagaysaa, oo ani, iima hadli karo, hadday Somali wax qaybsanayso aniga iima hadli karo, immikana waxaan u sheegayaa haduu tago shir danbe oo aan la isku raacsanayn, ana waan tagayaa, anigoo ku tagaya ama beel ahaan ama shakhsi ahaan, maxaa yeelay cid cid u joojinaysaa markaa ma jirto.” Faysal wuxuu intaa raaciyey “kiiskani waa kiis maxkamad la [hor] keeno.” Sida halkan ka cad Faysal sinaba uma aaminsana in dowladdu iyada oo keliya ahi ay afka shacabka ku hadli karto. Wuxuu qabaa inaan la isu joojinayn sidaa awgeed wuxuu ku hanjabayaa inuu beel ahaan ama shaksi ahaan ku tegi doono shirarka Somalia iyo Somaliland haddii lala tashan waayo. Waa maxay waxa keligii ka soo dhex saaray mucaaradka oo dhan oo uu dagaalkan keligii ugu jiraa? Sida uu isaga laf ahaantiisu inoo sheegay ee dhaartiisa ka cad wuxuu mar kasta rumeysnaa in Siilaanyo waddanka iibinayo sidaa awgeedna isaguna goob jog ahaado halka lagu gorgortamayo.
Berigaas uu eedayntaa intaas le’eg la beegsaday wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Faysal eedayntiisii iyo qayladiisii waxbay u dhashay oo madaxweynaha ayaa hadallo qallafsan ugu jawaabay ka dibna waxa lagu daray weftigii ugu horreeyey ee wada hadalada Somaliland iyo Somalia ee London lagu qabtay. Immikana qayladii uu berigaa dhigay mid la mid ah ayuu dhigay oo isugu jirta qabyaalad, eedayn iyo kala qaybsanaan gobolada Somaliland ka jirta.
Sida uu Maaxamed Cabdillaahi ugu eedeeyey “Khiyaamo Qaran” ayuu maantana madaxweynahana ugu eedeeyey “Khiyaamo Qaran” oo ah denbiga ugu weyn ee qof masuul dowladeed ah lagu eedayn karo. Markii hore eedayntu Faysal waxbay u dhashay laakiin markan waxba way dhali la’dahay.
Waxa cad inuu Faysal iska baabiiyey fursaddii la siiyey oo weliba mucaaradkii oo dhanna sahaday ka dib markii uu laba jeer si gaar ah ula kulmay madaxweynayaasha Somalia. Socdaalkii ugu horreeyey ee la xidhiidhay wada hadallada Somaliland iyo Somalia ee lagu qabtay London markii uu dhammaaday waxay weftigii tegeen Imaaradka Carabta oo lagu qabtay shirkii arrimaha budhcad badeeda la xidhiidhay.
Faysal waxa loo sheegay inuu madaxweynihii hore ee Somalia imanayo Imaaraadka sidaa awgeed Faysal wuxuu iskii ula xidhiidhay safiirka markaas Somalia u fadhiyey Imaaraadka Carabta oo ay Faysal saaxiib ahaayeen sida u sheegay kana codsaday inuu arko Sheekh Shariif. Faysal oggolaansho kamuu sii haysan dowladda Somaliland. 27 April 2012 BBC-da ayaa baadi goob ku soo heshay Faysal oo waraysatay waxa ku kalifay inuu Sheekh Shariif arko maadaama uu ahaa hoggaamiye aad uga soo horjeeday labadii xubnood ee Puntland ka soo jeeday ee madaxweyne Shariif wefdigiisii wadahalada Somaliland iyo Somalia ku soo daray.
Faysal oo hadalka ku margaday ayaa ku jawaabay in kulanka uu la kulmay sheekh Shariif uu ahaa mid “iska Private”ah [micnihii mid isaga u gaar ah] waxyaalo kale oo la xidhiidha wadahadaladii heshiiska London-na ay ka wada hadleen. Jawaabta Faysal bixiyey ma ahayn mid lagu qancay.
Markii labaadna Faysal isagoo weli ka tirsan wefdigii wadahalada u dhaxeeyey Somaliland iyo Somalia oo ogaa Shirkii London ee ugu dambeeyey inay dowladdu qaadacday ayuu “u dusay [Xasan Sheekh Maxamuud] isagoo aan oggolaansho dowladda ka haysan” waa sida uu hadalka u dhigaye wasiirkii hore ee warfaafinta, Abiib Timacadde. Haddana mar kale waxay saxaafaddu Faysal weydiisey waxa ku kallifay inuu la kulmo madaxweynaha Soomaaliya. Faysal wuxuu ku jawaabay “Waa isa salaanay, labo xafladood oo isku dhow baa Birmingham ku laheyn mid ay wadeen Xisbiga UCID iyo Jaaliyada Soomaaliyeed ee halkaas, waa dad saaxibtinimo naga dhaxeyso colaad ma jirto. Salaantuna wax shuruud ma lahan”. Mar labaad jawaabta uu Faysal ka bixiyey kulankaas may ahayn mid lagu qanco. Faysal waxa si xoog leh loogala taliyey inaanu tegin shirkaas markii farriinta la soo gaadhsiiyey. Faysal muu qaadan taladaas ee wuxuu door biday inuu la kulmo Xasan Sheekh Maxamuud waayo waxa maskaxdiisa ka guuxayey inuu Siilaanyo waddanka iibinayo sidaa awgeedna aan looga dheerayn isagana. Ugu dambeyntii culayskii iyo cadaadiskii ay maskaxdiisa ku haysay arrintaasi waa ka ku af-rogay waraysiga Universal TV ee uu la yeeshay Cabdisalaan Hereri laakiin sannado badan ayey ku qaadatay inuu sheego intaas.
Doob tuhun baa dilay baa la yidhi. Sidoo kale, mucaaradkana tuhun baa kaw ka siiyey. “Tolla’ay aabahay goblan waddankii nalugu dul iibsay” waa badeecad hore u buux dhaafisay bakhaarada KULMIYE oo in badan ku qaadhay markii ay mucaaradka ahaayeen. Taageerayaasha KULMIYE macalimiin bay ku ahaayeen waaridida, suuq geynta iyo iibinta borobogaandhaha balse badeecadda “Tolla’ay aabahay goblan waddankii nalugu dul iibsay” ee KULMIYE bakhaarada uga buuxday waanu iibin kari weynay. Faysal oo keligii ahina maba iibin karo. Taageerayaal badan oo reer KULMIYE ah ayaa qabay in Daahir Riyaale iyo Cawil ay waddanka iibinayeen. Kuwa xag jirka ahina waxayba qabeenba in beri hore lagu kala tegay iibka. Tallaabada ay qaadaan Riyaale iyo Cawil markay dibadda u soo baxaan waa la soo baadhi jiray oo la daba geli jiray laakiinse wax lagu helay mar qudha ma jirin. Mucaarad baanu ahayn oo tuhunbaa kaw naga siiyey.
Waxa immika shaac baxday oo markhaati ma doonto ah sida ku cad shabakadda WIKILEAKS ee dokumentiyadii sirta ahaa ee dowladda Maraykanka dibadda soo dhigtay in shirarkii gaarka ahaa ee Daahir Riyaale iyo Cawil ay la geli jireen dowladda Maraykanka ay si adag oo aan marnaba reer KULMIYE laga dhaadhicin kareen ay ugu adkaayeen Ilaalinta iyo difaacidda qaddiyadda Somaliland. Tuhunku waa balaayo. Faysal waxaan leeyahay badeecaddan iyadoo noocba nooc ah KULMIYE ayey hore ugu qaadhay ee yaanay adigana kugu qaadhin ee difaaca Somaliland halkaagii hore kaga jir.
Sida ninkii reer Belgium ee Gerrit Six, Siilaanyo iyo hoggaamiye kaletoona ma iibin karo Somaliland waayo waraaqaha lahaanshaha reer ama shakhsi keligii haystaa ma jiro. Waraaqaha lahaanshaha ee Somaliland waxa kala haysta dadka reer Somaliland u dhashay oo dhan. Waraaqahaas waxa la heli karaa oo qudha maalinta ay timaado in afti loo qaado Somaliland. Afti ayaa lagu sugay qarinimada Somaliland, afti ayuun baana lagaga noqon karaa.
Mucaaradku in lala tashado xaq ayey u leeyihiin balse mucaaradku xaq uma laha inay go’aan qaadashada shirarka Somaliland iyo Somalia qayb ka ahaadaan. Dowladda oo keliya ayaa awood u leh oo shacabku u doortay. In lala xisaabtamo waa mid meesha ku jirta laakiinse in la is eedeeyo oo aan waxba la isu reebin ma aha mid qaran iyo dowlad fiican aynu ku dhisi karno.
Somalilandxoog dibadda kaga yimaadaa ma baabiin karo balse waxa si fudud u baabi’in kara dadkii lahaa ee dhisay ee dhidibada u taagay. Hoggaamiye kastaa wuuu tegayaa, Somaliland-se way jiraysaa ee yeynaan iska baabi’in. Lama caddeyn karo eedaynta Faysal u soo jeediyey madaxweynaha ee tuhunka ku salaysan. Balse waxa si aan shaki ku jirin loo caddeyn karaa inuu madaxweynuhu daacad ka yahay Somaliland taasoo aynu maqaal dambe ku soo qaadan doono Inshallah.
Jamal Madar
London, UK
Comments are closed.