Guddoomiye Cirro Oo Magacaabay Xoghayaha Qorshaynta Ee Xisbiga Wadani

27
927

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga Wadani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa magacaabay xoghayaha qorshaynta ee xisbigaas, waxaanu u magacaabay Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo-raac).

War-Saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga WADDANI, ayaa lagu shaaciyay magacaabista  Xoghayaha Qorshaynta Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, Waxaanu qoraalkaasi u dhignaa sidan: “Gudoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) wuxuu maanta magacaabay Xoghayaha Qorshaynta Xisbiga WADDANI.

Gudoomiyuhu:- Markuu Arkay:    Qodobka 28aad ee Xeerka Xisbiga WADDANI.

Markuu Tixgeliyey:    Baahida loo qabo in la buuxiyo jagada Xoghayaha qorshaynta.

Markuu La Tashaday:    Xubnaha Hogaanka Xisbiga WADDANI.

Markuu ku Qancay:    Inuu  hanan karo xilkan loo magacaabay.

Wuxuu go’aansaday:-

In laga bilaabo taariikhda maanta uu Mudane Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo-raac) noqdo Xoghayaha Qorshaynta Xisbiga WADDANI.

Waxa laga codsanayaa dhamaan xubnaha Xisbiga WADDANI inay la shaqeeyaan Xoghayaha Qorshaynta Xisbiga, una fududeeyaan wixii hawlo ah.

Comments are closed.