Hoggaanka Iyo Guddiga Fulinta KULMIYE Oo Maanta Gondaha Isku Daraya Kulan Labaad Iyo Qodobada Ay Isku Hayaan Ee Kala Qaybiyay

14
576

Picture1Hargeysa(Geeska)-Hoggaanka xisbiga KULMIYE iyo xubnaha guddiga fulinta ayaa maanta gondaha is daraya kulankoodii labaad, ka dib markii ay natiijo ka gaadhi waayeen kulan ay habeen hore ku yeesheen guriga madaxweyne xigeenka.

Hoggaanka iyo fulinta ayaa si weyn u kala qaybsan, waxaanu dhinac waliba doonayaa inuu awoodiisa muujiyo si ay u hirgasho xeeladaha uu wataa.

Qodobada doodda

Labada dhinac ayaa kala taagan laba aragtiyood oo aad u kala fog. Xubnaha guddiga fulinta ayaa si adag uga horyimid saddex qodob oo uu soo diyaariyay hoggaanka xisbigu, kuwaas oo kala ah tirada uu hoggaanka xisbigu guddiga fulinta ka siiyay ururadii hadhay ee ku biiray KULMIYE, xubno ka banaanaaday guddiga fulinta oo uu hoggaanku buuxiyay iyo guddiga qaban qaabada shirweynaha KULMIYE oo uu iyagana diyaariyay.

Hoggaanka xisbiga ayaa ururadii hadhay ee ku biiray KULMIYE, wuxuu guddiga fulinta ka siiyay xubno. Tusaale ahaan ururkii hadhay ee Rays wuxuu siiyay saddex xubnood oo guddiga fulinta ah, halka uu Umadda oo isna doorashadii ku hadhay siiyay laba xubnood, iyadoo ururkii Dalsan ee isna hadhay guddiga fulinta laga siiyay hal xubin. Guddiga fulinta ayaa ku doodaya inuu sharciga xisbigu dhigayo in qofka guddiga fulinta galayaa uu ka mid ahaado golaha dhexe ee xisbiga, sidaas daraadeed waxay ku doodayaan inaanay xubnaha ururadan hadhay la siiyay aanay sharci ahayn xubinimadooda guddiga fulintu.

Shan xubnood oo ka banaanaaday guddiga fulinta oo uu hoggaanka xisbigu buuxiyay ayaa isna ah qodob ay xubnaha guddiga fulintu si adaga uga soo horjeedaan. Qodobkana waxa la sheegay inay ku doodayaan in xubnaha lagu buuxiyay qaar ka mid ahi aanay ka tirsanayn golaha dhexe ee xisbiga.

Qodobka saddexaad ee magacaabista guddiga qaban qaabada, ayaa inkastoo uu Madaxweyne Siilaanyo ogolaaday, haddana waxa si adaga uga horyimid guddiga fulinta ee xisbiga oo u badan xubno xukuumadda xilal ka haya. Kulankaas habeen hore waxa la sheegay in xataa ay mararka qaar xaaladu faraha ka baxday, ka dib markii ay doodu kululaatay. Qodobkan saddexaad wuxuu saldhig u yahay muranka labada dhinac ka dhex jira.

Kulankii shalay

Shan wasiir  oo ka tirsan guddiga fulinta iyo hoggaanka xisbiga ayaa shalay kulan ku yeeshay xarunta xisbiga si ay uga wada hadlaan arrimahan taagan. Laakiin kulankaas ayaa isna ku dhammaatay natiijo la’aan ka dib markii uu hadalku ka kululaaday labada dhinac. Wararka qaar ayaa sheegaya inay xubnaha qaar isku muruxsadeen, ka dib markii uu hadalku ka taag-taagmay. Shirkaas shalay oo la filayay inay ka soo baxdo natiijo xal u sii noqota kulanka maanta ayaa ku dhammaatay natiijo la’aan, siday wararku sheegayaana waa lagu kala kacay.

Gunaanad

Haddaba, saddexdan qodob oo aan wax is afgarad iyo isfaham ah toona lagaga gaadhin kulankii hore iyo kulanka shalay, ayaa mar kale ay labada dhinac maanta  isugu imanayaan kulan labaad, shalay iyo xalayna waxa si weyn Hargeysa looga dareemayay shirar doceedyo kala duwan oo ay labada dhinac kala wateen. Kulanka maanta ayaa indhaha lagu hayaa natiijada ka soo bixi doonta, waxaana suurtogal ah in codka guddiga fulinta lagu kala calaf qaado haddii lagu heshiin waayo xaal mastuur. Kala calaf qaadkaas oo haddii uu hirgalo isna dab ku sii shidi doona khilaafaadka xisbiga ka dhex jira.

Comments are closed.