Togdheer: Xisbiga UCID Oo Magacaabay Xilal Cusub

0
533

Burco(Geeska)-Masuuliyiinta Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid ee gobolka Togdheer ayaa cambaareeyay Xadhiga Iyo Cabudhinta Joogtadaha ee Xukuumadda Somaliland ku hayso Saxaafadda Madaxabanaan iyo Wariyayaasha gobolada ka hawl-gala. Sidoo kale Masuuliyiinta Xisbigan oo Shir jaraa’id ku qabtay Xaruntooda Burco ayaa Xilalal cusub u magacaabay Laamaha Gobolka Togdheer iyo Degmadda Burco ,kuwaasi oo markii hore  banaanaa ,waxaana ugu horeyn halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Xisbigaasi ee gobolka Togdheer Aadan Xuseen Maxamed waxaanu yidhi.

“ Marka hore waxaanu halkan ku soo bandhigaynaa 22- xubnood oo ah xubnihii Xisbiga Ucid ee Gobolka Togdheer iyo Degmadda Burco ,waxaana ka mid ah xubaha aanu magacawnay , 1) Xildhibaan Kayse Cabdi Raage oo ah Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Togdheer ee Xisbiga Ucid, 2) Mudane Saleebaan Maxamed Cabdi Xoghayaha Xisbiga ee Gobolka Togdheer ,3) Mukhtaar Jaamac X. Diiriye (Nadaara) Xidhii-dhiyaha Gobolka ah-na Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga Ucid ee Togdheer,4) Xamse Saleebaan Maxamed Guddoomiyaha Dhalinyaradda ee gobolka Togdheer, 5) Marwo Hadliya Maxamuud Ismaaciil Gudoonka Garabka Haweenka ee gobolka Togdheer,6) Marwo Khadra Maxamed Cali Gudoomiyaha Degmadda Burco ,7) Bashiir Ibraahim Maxamed Gudoomiye ku xigeenka Degmadda “ Sidaasi ayuu Guddoomiyuha Xisbiga Ucid yidhi ,waxaanu cambaareeyay Suxufiyiinta la xidh-xidhay iyo Ciidanka Xukuumadu galisay Gurigii uu tegenaa Mulkilaha Telefishanka HCTV.

Axmed Nuur Shire oo isna halkaasi ka hadlay ayaa cambaareeyay Xadhiga iyo Cabudhinta Saxaafadda Xukuumadu ku hayso waxaanu baaq u diray Madaxweynaha Somaliland .

“ Hadii dalka Saxaafadiisa madaxa-banaan la xidh-xidho oo la cidhiidhigaliyo ,mushkiladu waxay noqonaysaa Dimuqraadiyad iyo Xoriyatal qawl ma jiro , kol hadaan Dimuqraadiyadi jirina ,waxa weeye waxba ma jiraan ,Madaxweynahana waxaan leeyahay Madaxweyne markii Daahir Rayaale xilka wareejinaayay ,waxa uu yidhi gacantayda Somaliland ku burburi mayso, markaa Madaxweyne adna waxaan kaa rajaynayaa in aaney gacantaada ku burburin Somaliland,waxaanan ku leeyahay haysba sharixine iska naso “ Sidaasi ayuu yidhi.

Sidoo kale waxa iyana halkaasi ka hadlay Masuuliyiin kale oo Xisbiga Ucid ka tirsan kuwaasi oo dhamaantood cambaareeyay xadhiga Xukuumadu kula kacday Wariyayaasha Saxaafadda  ,Hay’adaha Warbaahinta ee la xidhay iyo waliba ciidankii la galiyay Guriga Mulkilaha HCTV ,waxaaney Dawladda ugu baaqeen in ay arimahan joojiso.