Telefishanka CNN Oo Baahiyay In Madaxweyne Obama Uu Geeriyooday

0
565

Picture2Washington (Geeska)- Talefishanka caanka ah ee Maraykanka CNN ayaa toddobaadkan gudihiisa la kulmay cambaarayn xooggan, kadib markii uu shaashadda soo dhigay war sheegaya in madaxweyne Barak Obama uu geeriyooday.

Talefishanka CNN oo ka waramayey warka toddobaadkan ugu diirranaa dunida oo ah askariga Maraykanka ah ee sheegtay in uu isagu gacantiisa ku dilay hoggaamiyihii hore ee Al-Qaacida Usaama Bin Laadin, ayaa farsamo-yaqaannadiisu ay si fool xun isugu qaldeen magaca Usama Bin Laadin iyo magaca madaxweynaha Maraykanka Barak Obama.

Qoraalkan uu talefishanku xagga hoose ee shaashadda soo dhigay mar uu ka waramayey hanjabaado kala duwan oo loo soo diray sarkaalkan Marayakanka ah ee sheegtay dilka Usaama, ayaa uu ku yidhi, “Sarkaalkii ka tirsanaa ciidamada badda ee xaqiijiyey in uu isagu dilay OBAMA oo hanjabaado loo soo diray”

Mawduuca uu talefishanka CNN ka waramayey waxa uu ahaa dhalleecayn ay askar hore uga tirsanaan jiray ciidamada Maraykanku  u soo jeediyeen saaxiibkoodan sheegay in uu isagu yahay qofkii xabadda ku dhuftay hoggaamiyihii hore ee Al-Qaacida Usaama Bin Laadin. Maadaama oo ay arrintan u arkayeen in ay ahayd sir qaran.

Saxafiyiin tiro badan iyo bar-kulannada bulshadu ku xidhiidho ee internet ka ayaa si weyn u faafiyey faallooyin xaqiraad ah oo ay ku cambaaraynayaan qaladkan uu galay talefishanka CNN. Magaca koowaad ee madaxweyne Obama oo ah kan uu talefishank qalday ayaa qoraal ahaan aad ugu dhow magaca Koowaad ee hoggaamiyihii Al-Qaacida Osama oo marka ay afka Ingiriisiga ku qormayaan ku kala duwanaada xarafka labaad ee midina B yahay midina S oo keliya. Ma’ana aha markii koowaad ee ay si qaldan warbaahinta Maraykanku labadan magac isugu beddesho, in kasta oo mar sii horreysay oo talefishan kale oo ka hadlaayey dilkii Osama uu sidan oo kale Obama ugu sheegay ay dad badani ku tilmaameen qalad loo badheedhay maadaama oo uu talefishankaasi ahaa kuwa taageera siyaasadaha xisbiga Jamhuuriga. Si kastaba ha ahaato ee qaladkan oo markiiba dunida oo dhan ku faafay ayaa uu talefishanka CNN si dhaqso ah hal-daqiiqo gudaheed ku saxay, laakiin taasi waxba kama ay tarin faafitaanka qaladkan.