Itoobiya Oo Ka Hadashay Sarkaal Reer Somaliland Ah Oo Bilad Dahab Ah Hantiyay

1
698

sarkaalAddis Ababa, (Geeska)-Dawladda Itoobiya ayaa bogeeda wasaaradda arrimaha dibadda ku soo qaadatay sarkaal u dhashay Somaliland oo bilad dahab ah ku guulaystay ka dib markii uu kaalinta koowaad ka galay culuumta milatariga oo uu kaga jiray kuuliyad ku taala dalkaas.

Wasaaradda Arrimaha dibadda Itoobiya, waxa ay boggeeda ay ku faaqido arrimaha gobalka Geeska Afrika, shalay ku soo qaadatay sarkaalkaas oo lagu magacaabo Siciid Aadan Nuur.

Wasiirka gaashaandhiga Itoobiya, Siraj Fegesa ayaa gudoonsiiyey Bilad dahab ah sarkaalkaas oo  oo culuumta milateriga ku soo baranayey dalka Itoobiya muddo shan sannadood ah.

Sida lagu baahiyey shabakada wasaarada arrimaha dibedda Itoobiya, Siciid Aadan Nuur, oo ka mid ahaa laba iyo toban sarkaal oo wiigii hore ka qalin jebiyey kuliyada injineerinka ciidamada Itoobiya ayaa xaflada lagu gudoonsiiyey waxa sidoo kale goobjoog ka ahaa saraakiil ka socotay ciidanka Qaranka Somaliland.

Sarakiishan oo baranayey culuumta injineerinka milateriga, sida korontada, hubabka, dabka hubka iyo diyaaradaha ayaa qeyb ka ah xidhiidhka ay wadaagaan labada dal ee Itoobiya iyo Somaliland oo sannad walba waxbarasho ugu tagaan jaamacadaha saraakiisha ciidanka Somaliland.

 Kuliyada injineerika Itoobiya oo u fidisa ciidamada wadamada ay jaarka yihiin Itoobiya culuumta kala duwan ee milateriga ayaa saraakiisha ka socotay Somaliland muddo shan sannadood ku soo qaateen barashada culuunta milateriga qeybaheeda kala duwan.

Comments are closed.