Suldaan Madaxweynaha Ku Bogaadiyay Hantida Dawladda Ee Uu Soo Celiyay

24
3285

Hargeysa (Geeska)-Suldaan Aadan Faarax Cumar, oo ka mid ah Madax-dhaqameedka iyo Salaadiinta Somaliland, ayaa Madaxweynaha ku bogaadiyey wareegtadii uu gacanta Dawladda dib ugu soo celiyey Haamaha, Amaanka Madaarka iyo Barkinka madaarka, waxaanu Madaxweynaha ugu baaqay in wax kasta oo umaddu wada leedahay, oo ah hanti qaran, oo cid gaar ahi maamusho inuu dib ugu soo celiyo qaranka.

Suldaan Aadan Faarax Cumar, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn yidhi “Marka hore Madaxweynaha waan hambaleyeynayaa, Haamaha iyo meel kasta oo dad gacanta ku hayeen, iyo hantida qaranka, in Dawladda dib loogu soo celiyo waa mid meesha ku jirta, Madaxweynuhu arimahan uu ku talaabsadayna waanu ku bogaadinayanaa,waxaana waliba ku dhiirinaynaa Madaxweynaha wax kasta oo ay umaddani lahayd intii uu ka daba tagi karo inuu ka daba tago, oo waliba u badan dhulka, maalaha taariikhiga ah,runtiina Madaxweynuhu talaabo geesinimo leh ayuu qaaday, waana garab taagan nahay”.

Suldaan Aadan oo hadalkiisi si iwata ayaa ydhi “Meel kasta oo ay umaddu lahayd, oo ay ku dhaadanaysay, oo taariikhdeeda iyo hantideedu taalay in la ilaaliyo waa mid meesha taala, umadda waxa u dhexeeya waa Dawladda, waxaa isku hayaana waa Dawladda, ee Dawladdii kolba meesha qabsataa inay cid gaar ah hantidii umadda gacanta ka saarto waa mid aan wanaagsanayn, ee Madaxweynuhu waa inuu hantida umadda ee kale ee maqan dib ugu soo celiyaa qaranka, Madaxweynuhu waa inuu dib ugu soo celiyaa qaranka meelaha taariikhiga ah ee ay umaddani ku abtirsaysay, sida aqalkii SNM, ee xoriyada dalka laga dhaliyey ee Magaalada dhexdeeda ku yaalay, oo meherado laga furtay, Hudheelada, Dhulka Dawladda, Meelaha Dekadda iyo Madaarada u dhaw, ee umaddu wada leedahay waa in qaranka dib loogu soo celiyaa,Talaabada uu Madaxweynuhu qaadayna waan ku bogaadinayaa”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here