Xanuunka ‘COVID-19’ ayaa mar keliya noqday mawduuca adduunyada loogu hadal haynta badan yahay, waxa aanu beddelay gebi ahaanba jihadii wareed ee warbaahinta adduunka, doodihii siyaasiga ahaa, falanqayntii dhaqaalaha, arrimihii bulshada iyo xitaa sheekadii caadiga ahayd ee dadku yeelanayeen.
Arrintaasi waxa ay mar kasta sii kordhinaysaa cabsida ay dadka adduunku ka cabaan xanuunkan oo gaadhay heer ay dadka qaar ka baqaan in ay si caadiya u hindhisaan ama u qufacaan, qaarkoodna ay gaadheen in ay qarsadaan xaalad kasta oo xanuunkan loo qaadan karo.
Sababaha ugu waaweyn ee cabsida xanuunkan badisay ayaa la aaminsan yahay in ay tahay warbaahinta adduunka oo af kasta oo ay ku warranto mar keliya wararka Coronavirus ka dhigatay mawduuc ay baahinteeda oo dhan ama inta ugu badan kaga warranto. Korodhka tirade dadka laga helayo xanuunka oo aad kor ugu socota iyo dhimashada oo sii kordhaysa ayaana ka mid ah sababaha. Laakiin xaaladdu heerkaa quusta ah ma joogto, tirada sii kordhaysa ee dadka xanuunka laga helayana macnaheedu ma’aha in xanuunkii uu si xawli ah u kordhayo.
Sida laga warqabo xanuunkan soo bixistiisa iyo qaylo dhaanta soo yeedhaysa waxaa u dhexeysay muddo bilo ah oo uu adduunku iska dhego marinayey. Taas ayaa la aaminsanyahay in ay sababtay in uu si aad ah adduunka ugu wada faafo, ka hor intii aanay dawladaha badankoodu dhowaan soo saarin karantiinka iyo in ay muwaadiniintooda xanuunka ka baadhaan. Haddaba dadka maalin kasta dal kastaa uu sheegayo in uu helay, ma’aha dad cusub oo uu maalintaas ku faafay, balse qaarkood muddo dheer ayaabay qabeen. Tiradan kordhaysaana waxa keliya ay sheegaysaa korodhka dadka laga baadhay oo sababaysa in hadba dad cusub oo xanuunka qaba la helo. Markaa in tirada dadka qaba xanuunku ay korodho macnaheedu waa in baadhistii dadweynaha la sii kordhiyey, laakiin ma’aha in tiradii dadka qaadayey ay sii kordhayso.