Tirada Safarrada Gaarka Ah Ee Madaxweyne Siilaanyo Intii Uu Xilka Hayey Iyo Barbar-Dhigga Marxuum Cigaal Iyo Rayaale

0
665

Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu shalay dalka Ingiriiska ku tagay socdaalkiisii u dambeeyay, safarro uu dalkaas ku tegey intii uu xilka hayey oo isaga u gaar ah.

Wuxuu socdaalkiisan shalay ka mid noqonayaa safaro uu madaxweynuhu dalalka dibadda ugu baxo oo lagu sheego inay yihiin kuwo gaar ah, kuwaas oo aan lagu aqoonin madaxweynayaashii ka horeeyay ee Marxuum Cigaal iyo Daahir Rayaale Kaahin.

Tan iyo markii Madaxweyne Siilaanyo uu talada dalka la wareegay sannadkii 2010, wuxuu Madaxweynuhu u baxay shan safar oo gaar ah, kuwaas oo uu badankooda ku tagay dalka Ingiriiska, halka uu mid ka mid ah safaradaasna ku tagay dalka Turkiga.

Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu sanandkii dhammaaday ee 2016 laba goor u baxay safaro lagu sheegay kuwo gaar ah, kuwaas oo uu ku kala tagay Ingiriiska iyo Turkiga, isagoo afar bilood ka dibna shalay u baxay safar la mid ah kuwaas.

1. Bishii Oktoobar ee sannadkii 2011, wuxuu Madaxweyne Siilaanyo safar gaar u ah ku tagay Ingiriiska

2. Bishii July ee sannadkii 2014 wuxuu Madaxweynuhu safar gaar ah ku tagay dalka Ingiriiska oo uu ku maqnaa muddo toddobaadyo ah.

3. Bishii July ee sannadkii hore ee 2016 wuxuu Madaxweyne Siilaanyo safar 8 maalmood qaatay oo gaar u ah ku tagay Turkiga

4. Bishii Oktoobar ee 2016 wuxuu safar gaar ah ku tagay dalka Ingiriiska.

5. Bishan February ee shalayna wuxuu sannadkan 2017 u baxay safarkiisii u horeeyay oo u gaar ah oo uu ku tagay Ingiriiska.

Madaxweyne Siilaanyo, ayaa noqonaya madaxweynihii ugu horeeyay ee socdaalo intan tiradoodu leegtahay oo gaar ah u ah dibadda ugu baxay, marka la garab dhigo madaxweynayaashii ka horeeyay. Marxuum Cigaal oo caan ku ahaa inaanu safaro badan oo dibadeed u bixin ayaan marna la sheegin safar gaar u ah oon shaqo ahayn oo uu ugu  baxay dalalka dibadda. Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ayaa isna la sheegay inuu hal mar safar gaar u ah ugu baxay dalka Jarmalka, isagoo markii uu dibadda u baxayay sheegay inuu soo marayo dalal dhawr ah, balse uu Jarmalka ku tagi doono safar u gaar ah.