Hargeysa: Maxkamadda Oo Hooyo Itoobiyaan Ah U Xukuntay Wiilkeeda Oo Lagu Haystay

0
647

Hargeysa(Geeska)-Maxkamadda degmada Lascanod ayaa shalay go’aan ka soo saartay ilmo yar oo 12 jir ah oo ay   isku haysteen hooyo Itoobiyaan ah iyo laba nin oo reer Somaliland ahi.

Dacwadan oo ka bilaabantay maxkamadda degmada Lascanod ee gobalka Sool, ayaa loo soo wareejiyay magaalada Hargeysa si ilmaha dhiigiisa loogu sameeyo baadhista hiddo sidaha (DNA), waxaanay maxkamada Sool ay shalay Hargeysa ugu  xukuntay ilmahaas yar hooyo Muuna Cabdikariim oo ah haweenay qaxoonti ku ah dalka oo u dhalatay dalka Itoobiya.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Somaliland Md. Aadan Xaaji Cali, ayaa isagoo ka hadlaya go’aanka maxkamadu soo saartay wuxuu yidhi “Waxa jirta dacwad xaasaasi ah oo ay ilmo yar isku haysteen saddex qolo. Laba nin iyo hooyo ayaa isku haystay, markaas maxkamadda degmada Lascanod ayay ka furantay, shayga keliya ee lagu kala saari karaana waa hiddo sidaha saddexda waalid in la qaado oo la baadho, dacwadii muddo ayay socotay oo cisbitaalka Hargeysa ayaa badhista sameeyay. Natiijadii dhakhtarku kaga dhawaaqay maxkamadda horteeda ayaa  markiiba xukunkii lagu saleeyay. Waxaana ku guulaystay hooyo Muuna Cabdikariim oo baadhistii hiddo siduhu in ka badan 99 la mid noqotay ilmahaas yar, waxaanay isku haysteen laba nin oo reer Somaliland ah.” sidaas waxa yidhi guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland Md. Aadan Xaaji Cali Axmed.

Waxa iyaguna halkaas ka hadlay agaasimaha cisbitaalka Hargeysa oo sharaxay qaabkii ay baadhista u sameeyeen iyo madaxda maxkamadda gobalka Sool oo isna ka sheekeeyay qaabkii ay dacwadda u bilaabeen.