Tirada Muwaadiniinta Iska Diiwaangeliyey Gobalada Iyo Degmooyinka Somaliland Ee Xaq U Leh Codaynta Doorashada

0
701

Hargeysa(Geeska)-Guddida doorashooyinka qaranka Somaliland ayaa shalay soo bandhigay tirada dadka isu diiwaangeliyay doorashada madaxweynaha ee qabsoomaysa November 2017.

Sida ay guddidu ka sheegeen shir-jaraaid oo ay kaga dhawaaqeen natiijada dadkii isku diiwaan galiyay inay codeeyaan, in ka badan 873,000 (Siddeed boqol, toddobaatan iyo saddex kun) oo qof ayaa isu diiwaangeliyay codaynta, iyagoo halkaa ka baahiyay tirada gobal walba iska diiwaangelisay.

Guddidu waxay sheegeen oo kale in qaybinta kaadhadhka codbixintu ay bilaabmayso 29 bisha April ee sanadkan.

Waxa aad hoos ka akhridaa liiska uu guddida doorashooyinku soo saaray ee dadka is diiwangeliyey