Reer Oodweyne Oo Mudaharaad Kaga Jawaabay Hawlgalada Sahaminta Shidaalka

0
652

Oodweyne(Geeska)-Dadweynaha reer Oodweyne ayaa shalay dhigay mudaharaad balaadhan oo ay dhigeen qaybaha kala duwan ee shacabku, iyagoo si adag uga soo horjeestay qorshaha xukuumadu waddo ee lagu sahaminayo shidaalka.

Dadweynaha oo ku dhawaaqayay ereyo ay ka mid yihiin, “Dooni mayno, dooni mayno shidaal been been ah, dhulkaa macdan lagala baxayaa.” ayaa waxay isugu soo baxeen jidadka magaalada Oodweyne, waxaanay dalbanayeen in la joojiyo sahaminta shidaalka, iyagoo sheegay inay deegaanada hayso abaar adag oo sahayatay xoolihii deegaanku lahaa.

Qaar ka mid ah odayaasha magaalada oo saxaafada la hadlay, ayaa sheegay inaanay is qabanayn abaarta jirta iyo sahaminta shidaalku, waxaanay sheegeen in la xaalufinayo deegaanka ay xooluhu u daaqaan,

“Waxaanu ka mudaharaadnay dadka na leh waxa la baadhayaa shidaal ee aan shidaal ahayn, waxaanu leenahay madaxweynaha, adeer naga daa’.” sidaas waxa yidhi mid ka mid ah odayaasha deegaanka.

Maxamed Cabdillaahi Cilmi, guddoomiye-xigeenka gobalka Daad-madheedh oo u waramay telefishanka Star  ayaa mudaharaadka ku eedeeyay dan dano gaar ah wata oo aan wadin danta degmada Oodweyne iyo gobalka Daad-madheeh.