Tirada Maxaabiis Uu Madaxweynaha Somaliland Cafis U Fidiyey

0
902

Hargeysa (Geeska) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Cafis u fidiyey Maxaabiis tiradoodu dhan tahay 574.

Maxaabiistan oo ah kuwa aan Dambiyada culus ku xukunayn, ayaa Madaxweynuhu Wareegto uu soo saaray Cafis ugu fidiyey.

Wareegtada Madaxweynaha oo soo gaadhay Wargeyska Geeska Afrika ayaa u qornayd sidan:-

WAREEGTO MADAXWEYNE

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-495/042020, Cafis Guud ugu fidiyey Maxaabiista dembiyada aan aadka u cuslayn ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Cafis

Markaan Arkay:  Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Xubintiisa 5aad;

Markaan Arkay:  Xeerka Ciqaabta Guud, Qodobkiisa 149;

Markaan Tixgaliyey:   Warbixinta Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta ee summaddiisu tahay TCA/G-1/138/2020, kuna taariikhaysan 31/03/2020;

Markaan Arkay:  Soo-jeedinta Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee summaddiisu tahay XIG/JSL/72/2020, kuna taariikhaysan 31/03/2020;

Markaan La-tashaday:  Hay’adaha Ay Khusayso;

Waxaan Go’aansaday; In laga bilaabo taariikhda Maanta aan Cafis Guud u fidiyo Maxaabiista dembiyada aan aadka u cuslayn ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, oo tiradoodu dhan tahay 574 (Shan Boqol iyo Afar iyo Toddobaatan) maxbuus. Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaysa dembiyada ay ku xukunnaayeen, sida ku xusan qodobka 92 ee Xeerka Ciqaabta Guud. Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista iyo shuruudaha Wareegtadan ku lifaaqan.”

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha JSL.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here