“Fadhi Inooma Yaallo Haddii Uu Coronavirus-kii Dalkeena Soo Gaadhay”

0
209

Xildhibaan Kijaandhe

Hargeysa (Geeska) – Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe, oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa Xukuumadda u soo jeediyey tallooyin ah in Guddiga Ka hor-tagga Coronavirus ee Madaxweynuhu Magacaabay lagu daro Xubno aqoon Caafimaad leh.
Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe, oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale baaq u diray guud ahaan Shacabka reer Somaliland, waxaanu ugu horeyn yidhi “Coronavirus Adduunkii walaac iyo walbahaar buu ku abuuray, dad badan oo ku kala nool daafaha duniduna wey u dhinteen, laakiin inagu waxaynu nahay dad islaam oo diin iyo caqiido leh, inaynu qadarka aamino ayaa mar walba inooga baahan yahay, sidaas awgeed ILLAAHAY ayeynu inagu mar walba talo saaraynaa”.
Xildhibaan Kijaandhe mar uu baaq u dirayey Xukuumadda ayaa yidhi “Fadhi inooma yaallo haddii uu Coronaviruskii dalkeena soo gaadhay ee feejignaan dheeraad ah ha la muujiyo, oo dadku aad iyo aad ha isku ilaaliyaan, ILLAAHAY baa wax ilaaliye, si kasta oo xunuunku ku fidi karana aad ha la iskaga ilaaliyo, Xukuumadda waxaa looga baahan yahay inay soo xusho dad aqoon caafimaad leh oo wax ka garanaya Coronavirus, kuwaas oo la shaqeeyanaya Guddida uu Madaxweynuhu magacaabay.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here