Tirada Ergooyinka Shirweynaha Xisbiga Kulmiye Oo La Cayimay

1
617

Picture5Hargeysa(Geeska)-Guddiga fulinta KULMIYE, ayaa cayimay tirada ergooyinka ka soo qayb geli doona shirweynaha xisbiga KULMIYE, kuwaas oo noqon doona 801 ergay.

Warsaxaafadeed uu shalay soo saaray xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE Md. Xasan Siciid Yuusuf, ayaa wuxuu u qornaa sidan: “Shir ay xubnaha Guddiga Fulinta ee xisbiga KULMIYE maanta [shalay] gelinkii dambe ku yeesheen guriga Madaxweyne-ku-xigeenka Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa lagaga wadahadlay tirada guud ee ergooyinka ka soo qaybgalay doona shirweynaha 3aad ee xisbiga oo qabsoomi doona 25-ka bisha December ee sannadkan 2013.

Shirka oo uu guddoominayey Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi waxa dood iyo falanqayn kadib xubnaha Guddiga Fulintu cod buuxa oo gacantaag ah ku ansixiyeen in tirada ergooyinka shirweynaha 3-aad noqoto 801 ergay, kuwaas oo kala iman doona golaha dhexe ee xisbiga, guud ahaan gobollada, degmooyinka iyo tuulooyinka tuulooyinka iyo weliba laamaha kala duwan ee xisbigu ku leeyahay dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba.

Waxa kale oo shirka la isula gartay in kulan dambe xubnaha Guddiga Fulintu isugu yimaadaan berri, kaas oo ay ku sii falaqayn doonaan qorshaha ay ku hawlgeli lahaayeen Guddiga Qabanqaabada shirweynaha ee dhawaan la ansixiyey.”

Comments are closed.