Labada Xisbi Mucaarad Oo Diyaariyay Guddi Farsamo Oo Shirweynaha Qaran Abaabusha

0
552

Picture7Hargeysa(Geeska)-Kulan balaadhan oo ay  shalay wada yeesheen labada xisbi mucaarad, ayaa lagu saaray gudi farsamo oo qaban qaabisa Shirkii dhawaan ay madasha wada-tashigu ku wareejisay labada xisbi mucaarad.

Gudidan farsamo ayaa  ka koobnaan-doonta labada xisbi mucaarad,madasha wada-tashiga,xubno ka tirsan golaha wakiilada  iyo aqoon yahanka,waxaana si cad laysugu waafaqay ajandaha uu shirkaasu yeelan doono.

Inkasta oo aanay shirkan si rasmiya xisbiyada mucaaradka ahi ugu dhawaaqin haddana warar xogagaal ah oo uu helay  Wargeyska Geeska Afrika, waxa ay sheegayaan in shirkaasi uu socon doono muddo sadex maalmood ah, isla markaasna lagu marti qaadi doono xukuumada, xisbiga talada dalka haya, xildhibaanada guurtida iyo wakiilada, aqoon-yahan,dhalinyaro iyo qaybaha bulshada ee kala duwan.

Sida oo kale waxa ajandahaas ka mid ah in xisbiyada mucaaradka ah ay gogasha uun fidinayaan, balse shirkaasu uu noqon doono mid furan oo xaalada dalku uu maraayo  lagaga doodo,waxaana la filayaa in labada xisbi mucaarad ay si wada jir ah wnatiijada ka soo baxday shirkan ay isla yeesheen ay ugu dhawaaqi doonaan maalamaha soo socda.