Maxamed Cabdi Daa’uud Oo Ka Jawaabay Su’aalo La Iska Weydiiyay Shirkii KULMIYE

0
4216

 

Picture3Hargeysa(Geeska)-Siyaasiga Maxamed Cabdi Daa’uud, oo ka mid ahaa garabkii xisbigii UDUB ee ku biiray xisbiga KULMIYE, ayaa ka dareen celiyay doodo ka dhashay shirweynihii golaha dhexe ee xisbiga UDUB, oo la xidhiidhay ansixinta ururadii ku soo biiray xisbigaas.

Md. Maxamed Cabdi Daa’uud, oo uu Geeska Afrika, shalay wax ka weydiiyay shirka golaha dhexe iyo qodobka ka reebay in la ansixiyo ururadii ku biiray, wuxuu yidhi “ Shirkii golaha dexe ee xisbiga Kulmiye si fiican ayuu u dhacay dhammaana waa lagu ansixiyay heshiisyadii uu xisbigu la galay garabkii ka soo go’ay xisbigii UDUB iyo ururadii hadhay ee kaleba, shirkuna si fiican ayuu u bilaabmay una dhamaaday, laakiin arinbaa jiray oo ay na waydiiyeen taageerayaashii dhankayaga ka socotay oo ahayd xeer 14 oo ah xeer Somaliland oo dhan ay ku wareertay,markaas waxa la sheegay in xeer 14 uu  laalayo shir weynaha xubnaha galaaya gudiga fulinta arintaasuna waxay ahayd mid si yar oo fudud loo yidhi laakiin raadkeedu uu balaadhan yahay oo aan runa ahayn.”

Mr. Daa’uud, oo la su’aalay inuu sharaxaad ka sii bixiyo qodobkan, wuxuu yidhi “Xeer 14 qodabka la sheegayo waxa uu ahaa qodabka 25 faqradiisa 4-aad waxay leedahay marka xisbiyada la dhisaayo waxa soo dooranaaya gudiga fulinta,hoggaanka xisbiga iyo golaha dhaxeba waxa intaba dooranaya shir weynaha, markaas waa doorashadooda ee maaha ku biirista lagu biirayo ee xubno lagu soo daraayo gudiga fulinta ama golaha dhaxe ee iyaga waxa looga baahan yahay inuu hoggaanka xisbigu soo jeediyo  golaha dhaxena uu ansaxiyo, haddiise la yidhaado shirweyne ayay u baahan yahiin waxay taabanaysaa xisbiyada qaranka oo dhan, oo WADANI iyo UCID cid kuma dari karaan gudigooda fulinta, waxaanay Kulmiye ku saamaysay anaga iyo cidii kale ee xisbiga soo gali lahaydba.”

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu Maxamed Cabdi Daa’uud yidhi “Qodabkana runba maaha sida loo yidhi oo waxa uu ka hadlayaa marka xisbiga la dhisaayo, arin kasta oo muhiim ah intaan shir weyne la gaadhina waxa ansaxinaaya golaha dhaxe ee xisbiga  xisbigaas ama hanoqdo Kulmiye ama Wadani Ama UCID  sidaas ayuu leeyahay xeer 14. Xeer 14-na isaga ayaa ka wada sareeya xeer hoosaadka dhamaan ay leeyahiin xisbiyadu. Waxaan arintan loo xigtay inuu gudoomiye Baashe yidhi laguma dari karo gudiga fulinta ee Kulmiye balse xisbiyada oo dhan ayay noqonaysaa ilaa shir weynaha la gaadho. Waxaanan arintaas ku saxayaa  in 14 qodabkiisa 25 faqradiisa 4-aad ay ka hadlayso marka xisbiga la bilaabayo ee la samaynaayo fulin cusub iyo gole dhaxe oo cusub. Waxaanan gudoomiye Baashe ka codsanayaa in kasta oo aanu isagu afkiisa arinkan ka odhan hadana inuu kala cadeeyo in xisbiyada qaranka uu qodabkan wada qabnaayo , bal inuu arintaas kala cadeeyo oo uu ka hadlo.”