Telefishanka Qaranka Oo Shalay Bulshada U Sahlay Inay La Socdaan Khudbada Madaxweynaha

0
732

 

maareyeHargeysa(Geeska)-Telefishanka qaranka Somaliland (SLNTV) ayaa shalay ku guulaystay inuu si dhammaystiran oo weliba muuqaal qurux badan leh u baahiyo khudbadii uu Madaxweynaha Somaliland u jeediyay labada gole Baarlamaan ee guurtida iyo wakiilada.

Telefishanka qaranka oo muuqaalka uu soo gudbiyay ahaa mid saafi ah, waxa khudbadda madaxweynaha kala socday bulsho badan oo dalka gudihiisa iyo dibadiisa kala joogta. Khadar Xasan Cali Gaas, oo ah maareeyaha telefishanka qaranka, ayaa sheegay inuu ku farxay inuu ku guulaysto in khudbadda Madaxweynaha si toos ah loogala socdo telefishanka qaranka. "Runtii aad baan ugu farax anahay in aanu maanta si toos ah (Live)  ugu gudbino bulshada khudbadii Madaxweynaha Somaliland Axmed Silaanyo ee labada gole oo ahayd khudbad sanadeedkii dastuuriga ahaa, sidaad ogaydeen baryahanba waxaanu wadnay in aanu barnaamijyada si toos ah u gudbino, tana qayb ayay ka tahay maadaama oo ay ahayd khudbad muhiim ah oo shacabka Somaliland sugayeen meel kasta oo ay jogaan, waxaa nagu khasab ahayd in aanu si toosa ugu gudbino, Alle mahadii, waxaanu noqonay Telefishankii ugu saafi sanaa ee si toos ah u gudbinaayay khudbada Madaxweynaha, waxaanu bulshada nagu xidhan u ballan qaadaynaa in dhawaan aanu u soo gudbin doono barnaamijyo toosa haddii alle idmo." Sidaas ayuu yidhi Maareeye Khadar.

Mudadii uu maareeyaha cusub xilka telefishanka qaranka qabtay, waxa uu isbedel ku sameeyay telefishanka qaranka, waxaana meelaha sida gaarka ah loo dareemo ka mid ah barnaamijiyo cusub oo bulshadu u baahnayd iyo muuqaalka telefishanka oo aad u wanaagsanaaday muddooyinkan dambe.