Reer Hargeysa Oo Dibad Bax Ku taageeray Qaranimada Somaliland, Farriimana U Diray Ingiriiska

0
626

 

lugtaHargaysa( Geeska )-Dadwaynaha Magaalada Hargeysa ayaa isugu soo baxay jidadka waaweyn ee caasimada, iyagga oo sitay calanka Somaliland iyo weliba boodhadh waaweyn oo ay ku xardhan yihiin weedho lagu taageerayo madax-banaanida iyo xasiloonida ka jirta Somaliland. Dadweynuhu waxay ka dhiidhiyeen dhawaaqii ay dawladda Ingiriisku kaga dardaar werisay ammaanka Somaliland.

 

Dadwaynahan oo isugu jiray ardayda jaamacadaha, haween, ganacsatada kala duwan ee caasimada iyo weliba dad kale oo aad u fara badan, ayaa waxay subaxdii hore isugu yimaadeen albaabka hore ee aqalka baarlamaanka oo uu khudbad sanadeedkiisii ka jeedinayey Madaxwayne Axmed Maxamed Siilaanyo.

Dadwaynaha ayaa dhigay dibad-bax salmi ah oo ay kaga soo horjeedaan dhawaaqii dalka Ingiriisku uu ku sheegay in nabadgalyada Somaliland liidato, waxayna ku dhawaaqayeen weedho ay ku amaanayaan Somaliland iyo jiritaankeeda, sidoo kalena waxay eedaymo u jeediyeen Dawladda Ingiriiska oo ay sheegeen inay ku dagdagtay warbaxintaas ay warbaahinta mariyeen. Dadwaynaha dibad baxa dhigaayay  ayaa sida sawirada ka muuqata sitay boodhadh ay ku qornaayeen weedho ay ka mid yihiin “Somaliland Waa Qaran Nabdoon”

Dibad-baxan  waxa sidoo kale ka qayb-qaadanayey masuuliyiinta dawladda, sida Wasiirrada, shir-guddoonka baarlamaanka, iyadda oo markii Madaxwayne madaxweyne Axmed Siilaanyo uu khudbad-sanadeedkiisa uu dhammaystay uu  dadwaynaha kala qayb-galay dibad-baxan, isaga oo Madaxwaynuhu ka lugeeyay aqalka baarlamaanka lugna ku gaadhay cisbitaalka weyn ee caasimada oo markii dambe uu ka raacay gaadiidka u gaarka.

Sida oo kale magaalooyin badan oo ka mid ah Samaliland ayaa lagu qabtay dibad baxyadan salmiga ah ee lagaga soo hor jeedo dhawaaqa dhanka amaanka quseeya ee ka soo yeedhay dalka Ingiriiska.