Telefeeshinka Horn Cable TV Oo Soo Gunaanaday Tartankii Fanka Iyo Fanaaniinta

0
758

Picture5Hargeysa(Geeska)-Munaasibad balaadhan oo lagu soo gabogabanayay Tartanka Fanka iyo Fanaaniinta ayaa lagu qabtay Hotel Maansoor ee Magaalada Hargeysa, waxana Munaasibadaasi ka soo qayb galay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada, Wasiiro ka tirsan Xukuumada, Gudoomiyaha Xisbiga UCID, Marwada Madaxweynaha, Madaxdhaqameed, Fanaaniin, Abwaano, Dhalinyar, Maamulka iyo Shaqaalaha Horn Cable, iyo marti sharaf kale oo tiro badan.

Tartanka Fanka iyo Faniinta ayaa ahaa tartan socday muddo laba bilood ah kaasi oo ay ka qayb qaadanayeen Dhalinyaro kor u dhaafaysa 100, kuwaasi oo ay ku tartamayay Heeso Cusub iyo heesihii hore u jiray ee qaraamiga, waxaana gabogabadii tartankaasi guulaystay 7-dhalinyaro oo isku jiray afar hablood iyo afar wiil, halkaasi oo ay Maamulka Horn Cable Tv ugu talo galeen abaal marino, Shahaado sharafyo iyo lacag.

Agaasimaha Guud ee Horn Cable Tv, Maxamed Cabdi Sheekh (Ilig) oo ka hadlay munaasibadaasi ayaa ka hadlay marxaladaha kala duwan ee uu soo maray tartankaasi isagoo sheegay in Horn Cable Tv isaga oo aanay cidi ka caawinaynay u badheedhay baaxada tartankaasi. Waxaana uu sheegay in kharashka ku baxay tartankaasi mudadii uu socday uu dhan yahay $43.500( saddex iyo afartan kun iyo shanboqol oo dollar) iyadoo lacagtasi u kala baxday, Kharashka Guddida, Kharashka Hawada ee satellite, iyo kharash Malmeedka iyo qabashada Barnamijka Muddadasi labada bilood ah, Barnamijkani ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee nociisa ah ee Televishan gaar loo leeyahay qabto Tariikhda Somalida, waxana dhamaan Kharashkasi masuliyadiisa iyo dedaalkiisaba uu lahaa Guddomiyaha Horn Cable TV Farxan Cali Axmed oo qayb wayn ka ahaa dhiiri galinta Barnamijka, Barnamijkani waxa uu kamid yahay kuwa lagu bixiyo Mashriicda balaadhan ee dunida, waxana kuxigi doona mid loo qaban doono Tartanka Gabayada oo dhawaan laqaban doono.

Agaasimaha Guud waxa uu sheegay in dhalinyarada barnamijka ka qayb qaadatay ay tiradoodu dhamayd 120 qof oo kuwaasi oo ay todoba kamid ahi ku guulaysteen barnamikani inay noqdaan todoba nasiibka u yeeshay inay helaan Abaalmarinta lacageed iyo Shahaado sharfyada lagu mamuusay kaalmaha hore ee shaqada, Horn Cable TV waxa uu dedaal xooga ugu jiraa inuu ka rumeeyo Talooyinka Bulshada.

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland, ahna Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani, Gudoomiyaha Xisbiga UCID, Boqor cismaan Buur madaw iyo Masuuliyiin kale oo ka hadlay halkaasi ayaa Horn Cable Tv ku hambalyeeyay dedaalka dheeraadka ee uu u galay tartanka iyo dhiirigalinta uu siiyay Dhalinyarada Somaliland eek a qayb qaadanaysay tartankaasi, waxaanay sheegeen in tartanada noocan ahi ay yihiin kuwo ay qabtaan dawladuhu balse u Horn Cable Tv u badheedhay.

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Somaliland C/laahi Maxamed Daahir Cukuse oo ka hadlay gabogabadii Munaasibadaasi ayaa Horn Cable Tv iyo Maamulkiisaba ku amaanay kaalinta uu ka galay dhiirigalinta Dhalinyarada Somaliland, isla markaana ay xukuumada iyo Bulshaduba soo dhawaynayaan tartanada noocan oo kale ah, waxaana uu halkaasi kaga dhawaaqay in dhalinyaradaasi guulasytay ee tartanka adag soo maray ay si toos ah uga shaqaalaysiin doonaan Wasaarada Warfaafinta.

Gobogabadii Munaasibadaasi ayaa halkaasi Wasiirku uu dhalinyarada ku gudoonsiiyay Shahaado sharafyo, Bilado iyo lacag, sidoo kale waxa iyaguna halkaasi abaal marino lagu maamuusayo lagu gudoonsiiyay Guddidii dhexdhexaadinaysay tartankaasi.