Tartankii Quraanka Kariimka Ah Iyo Axaadiistii Rasuulkeena Suuban Oo La Soo Gunaanaday

0
905

Picture1Hargeysa(Geeska)-Tartankii ugu horeeyay ee Quraanka kariimka ah iyo axaadiistii rasuulka CSW lagu wada tartamo,ayaa si rasmi ah ugu soo gaba gaboobay hotel Ambasador magaalada Hargeysa.

Tartankan oo ay ka soo qayb galeen 600 oo arday oo ka kala socday 65 goobood oo ah kuwa lagu barto quraanka iyo axaadiista oo ku yaala gobalada dalka oo dhan.waxaanu madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdirtaxmaan Saylaci  si rasmi ah u gudoonsiiyay 30-kii arday ee tartankaas qaybahiisa kala duwan ku guulaysty shahaadooyin iyo abaalmarino lagu dhiiri galinaayo ardaydaas.

Xaflada lagu abaalmarinaayay 30-kan arday ee guulaystay waxa soo sharfay madaxweye ku xigeenka Somaliland,wasiiro,salaadiin,culimo,la taliyaha arimaha bulshada ee madaxweynaha,dhalinyaro iyo dad aad u badan.

Sheekh Cabdala  Berberaawi  ayaa si mug leh u soo dhaweeyay musaabaqadan lagu tartamaayay quraanka iyo axaadiistii rasuulkeena suuban,waxaanu xusay in uu tartanku uu yahay mid dhiiri galinaaya xiftiga quraanka iyo axaadiista,waxaanu taloooyin u soo jeediyay ardaydii ka qayb qaadatay tartanka,culimada iyo guud ahaan bulshada Somaliland.

Suldaan Maxamed Xasan Ibraahin oo halkaas ka hadlay ayaa soo dhaweeyay tartankan waxaana hadaladiisa  ka mid ahaa“Waan ku faraxsanahay tartankan,lagu tartamaayo quraanka iyo axaadiista rasuulka CSW,qolyaha taageerayna waxaan alle uga baryayaa inuu alle ajar ka siiyo,intii qaybtay quraanka iyo axaadiista rasuul kana waxaan u soo jeedin lahaa inay alle dartii u qaybaan oo ay hayaana waxii ay qaybeen hayntaa qaybitaanka ka culuse.”

Cali Maxamed Saalax oo ku hadlaayay afka shirkada is gaadhsiinta ee Telesom oo taageero mug leh tartankan ka gaystay, ayaa u mahad naqay abaabulayaasha tartankan waxaanu sheegay inay ka gudoomayaan mahadnaqa ay u soo jeediyeen.

Cabdixakiin Siciid Bare oo ah gudoomiyaha haayada Al-Hayad ee  soo qaban qaabisay tartankan Wax-yaynka ayaa daboolka ka qaaday inay ka soo qaybgaleen tartankan 600 arday oo ka socday gobalada dalka oo dhan,kuna tartamaayay 30 jus,20 jus,10 jus iyo Axaadiistii rasuulka CSW,ayna isugu jireen wiilal iyo gabdho,waxaana si rasmi ah ugu guulaystay tartankan 30 araday oo ka socday gobalada dalka,kuwaas tartamayaashii waliba ay ka soo baxayeen sadex arday. 

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylaci ayaa soo dhaweeyay tartankan isagoo sheegay inay ka xukuumad ahaan ay qabteen tartan kan la mid ah, ayna fureen idaacadii quraanka,waxaanu goobtaas ka balan qaaday in labada arday ee ugu sareeya oo ay shirkada Juba ee diyaaradahu ay xajka gaynayso ay iyaguna labada ku xiga gayn doonaan.ugu danbayntiina waxa uu gudoonsiiyay tartamayaashii ku guulaystay quraanka iyo xaadiista rasuulka CSW shahaadooyin iyo abaalmarino loogu talo galay.