Talyanle Oo Beeniyay In Wada Hadal U Bilaabmay Isbahaysiga KULMIYE Iyo Xisbiga Waddani

0
661

Hargeysa(Geeska)-Xildhibaan Cabdiraxmaan talyanle oo ka mid ah garabka isbahaysiga xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye isla markaana ah gudoomiye ku xigeenka saddexaad ee xisbigaasi ayaa sheegay inaanay isbahaysigu la bilaabin wax wada hadal ah xisbiga Waddani.

1

Qoraal uu shalay ku baahiyay bartiisa facebook, wuxuu ku yidhi sidan “Wargeyska –

Waaheen  waxa uu  cadadkiisa 1774 ee maanta [shalay]  qodobka ugu horeeya waxa uu ku soo qaatay war uu leeyahay wada hadal ayaa u bilaabmay isbahaysiga dimuqraadiyad doonka ah ee xisbiga Kulmiye iyo xisbiga Waddani inkasta oo meel uu ka keenay iyo meel uu ka tixraacay aanay cadayn, waxa uu leeyahay Maxamed Biixi Yoonis oo doraad yimid iyo cirro oo gudoomiyaha golaha wakiilada ah marna gudoomiyaha xisbiga Waddani ah ay ku balansan yihiin, iskuna af garteen hore-na u wada hadleen iyaga oo uu gaba gabadiina ku sheegay in labadaas masuul la sugayo. Waxaan Halkan ka cadaynayaa warkaas isaga ah inaanay waxba ka jirin, meel wada hadal noogu bilaabmay waddani iyo meel aanu wax isku waydiinay iyo meel aanu ku bahoobayno inaanay jirin, isbahaysiga dimuqraadiyad doonka ah ee Kulmiye-na wali uu yahay Kulmiye, kulmiye-nimadiisana uu adkaystay,asxaabta mucaaridka ahna xod xodasho way iska iman karaan, waxna waa lays waydiin karaa, cid walibana dareenkaas way qabtaa laakiin warka ku soo baxay wargeyska waaheen waxba kama jiraan.”