Hargeysa (Geeska)- Saynisyahankii weynaa ee reer Jarmal Albert Einstein oo sida la og yahay bud dhigay qaybo badan oo ka mid ah cilmiga Fiisigiska iyo cilmiga casriga ah, kuna kasbaday abaal marinta caalamiga ah ee Noble Prize qaybteeda cilmiga ayaa la sheegaa in dhib badan uu kala kulmay aragtiyihiisii dhinaca Sayniska oo dad badan xilligiisii ay caqligal u arki kari waayeen. Laakiin aakhirkii Einstein waxa uu ku guulaystay in uu dad badan soo jiito kuwo aad uga soo horjeedayna is jeclaysiiyo. Haddaba dad badan oo akhristay hal-ku-dhegyada kala duwan iyo xikmadaha Einstein ayaa aaminsan in ay muujinayaan jidka uu u maray qancinta iyo isjeclaysiinta dadka.
Qormadan oo uu Geeska Afrika soo ururiyey isla markaana afsoomaali u rogay, waxa aynu ku eegaynaa qaar ka mid ah hal-ku-dhegyada xikmadda xambaarsan ee laga soo tebiyo saynisyahanka caanka ahaa.
– Waxaa waajib ah in koritaanka garaadka iyo fikirka aadamuhu uu la bilowdo dhalashadiisa, isla markaana aanu joogsan illaa uu geeriyoodo. (Taas macnaheedu waa in aanad waxbarashada joojin inta aad nooshahay)
– Waa in qof kastaa uu ixtiraamo arrimaha gaarka ah (Shakhsiga ah) ee qofka kale, laakiin ogow in aanu jirin qof dhinac kasta ka dhamaystiran. (Aadamuhu waa nusqaan u joog)
– Weligaa ha samayn wax aanu damiirkaagu ogolayn, xitaa haddii duruufta iyo maqifka aad joogtaa kugu qasbayaan.
– Waa wax aad looga xumaado in dadka oo dhami sameeyaan waxa wanaagsan, keliya iyaga oo ka baqanaya ciqaabta, abaal-marinna doonaya. (Dadku waa in ay wanaagga sameeyaan iyaga oo doonaya in ay dad wanaagsan noqdaan, isla markaana doonaya in ay ku dhaqmaan amarrada iyo tilmaamaha Alle, jacaylkiisa awgiina ficilkan u samaynaya)
– Haddii shayga aad si sahal ah u sharrixi kari weydo (Qeexi kari weydo), macnaheedu waa in aanad si kugu filan u fahamsanayn shaygaas.
– Waalidu waa in aad shay keliya ku cel-celiso marar badan adiga oo rajaynaya in marka aad ku celiso ay ka soo bixi doonto natiijo ka duwan tii hore.
– Tagtadaadii (Wixii ku soo maray) wax ka baro, joogtadana (Duruuftaada hadda) nooloow, timaadadaadana khayr niyeyso. Waxa ugu muhiimsanina waa in aanad mar keliya joojin wax-is-weydiinta. Faduulinimada iyo baadhistu waxa ay sabab u yeelaysaa nolosha iyo jiritaankaaga.
– Waxaa wax laga xumaado ah in Tiknoolajiyadda casrigani ay ka gudbi doonto dadnimadeenna.
– Xoogga iyo muquuninta waxa uun xiiseeya ragga intooda akhlaaqda xun.
– Qof kastaa waa in uu raadiyo cidda uu yahay, laakiin yaanu raadin cidda ay fiicnaan lahayd in uu noqdo.
– Qof kasta oo akhriskiisu bato, caqligiisana aan isticmaalin waxa uu bartaa caado xumo iyo caajis kaga dhaca fikirka.
– Waxa cadhoo ruux jaahil ah uun.
– Qofka wax yaabaha dadku macno darrada u arkayaan tijaabiya ayuun baa aakhirka noqda qofka keliya ee ruume wax loo arkayey in aanu suurtogal noqon karin.
– Ardaygu ma’aha weel ay tahay in la buuxiyo, balse waa shamac ay tahay in la shidayo.
– Anigu hibo gaar ah ma’ lihi, laakiin waxa aan doonayo raadintiisa ayaa aanan ka daalin.
– Wax cusub in aan soo kordhiyo macnaheedu ma’aha in aan aad u maskax badanahay, balse waa in aan waqti fiican siiyey xallinta mushkiladaha.
– Inta aanad ciyaarta bilaabin baro xeerarkeeda, waxa aanad noqon doontaa qofka ugu ciyaar fiican.
– Dunidu waxa ay u muuqataa meel ku noolaanshiyaheedu khatar badan yahay, sababtuna ma’aha dadka shar-wadayaasha ah eek a buuxa, balse waa dadka sharka arkaya ee haddana aan doonayn in ay wax ka qabtaan.
– Caalamku waa qayb fikirkeenna ka mid ah oo aan gaar looga saari karin, suurtogalna ma’aha in uu is beddelo haddii aynaan innagu fikirkeenna wax ka beddelin.
– Haddii aad doonayso in aad nolol farxad leh noolaato, noloshaada ku xidh himilo iyo yool oo ha ku xidhin shakhsiyaad iyo wax kale.