Talooyin Kaa Caawinaya In Aad Da’da Afartan Jirka Kadib Miisaankaaga Xakamayn Karto

0
1274

Hargeysa (Geeska)- Caadi ahaan marak uu qofku dhaafo da’da Afartan jirka waxaa aad u adkaata in uu miisaanka si sahal ah isaga rido, gaar ahaan dumarka oo marka ay da’dan gaadhaan ay hoos u dhacaan shaqada dheefshiidkooda iyo awoodda uu jidhkoodu l ee yahay in uu xaydha ama dufanka gubo, in labadaa xaaladood ay qofka ku yimaaddaan da’dan iyo wixii ka dambeeyaana ma’aha cillad caafimaad oo ay tahay in muddo loo samrio.

Haddii aad taabatay da’da Afartanaadka oo aad  jeceshay in aad miisaanka iska dhinto waxaa laguugula talinayaa in aad ilaaliso toddobada talo oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Al-Carabiya.

  1. Jimicsiga jidhka

In qofku marka uu da’dan gaadho uu joogteeyo jimicsigu waxa ay muhiim u tahay in ay muruqyada dhisto, jidhka firfircoonayso, lafahana aad u xoojiso. Waxa kale oo uu jimicsigu dadka da’dan ah u wanaajiyaa shaqada dheefshiidka.

  1. La socoshada miisaanka iyo nooca cuntada

Talooyinka ugu habboon ee xeeldheerayaashu kula taliyaan dadka Afartan jirka ah ee miisaanka iska ridayaa waa in miisaankooda ay si joogto ah ula socdaan korodh iyo hoos u dhacba iyo in ay diiwaangeliyaan noocyada cunto ee ay cunaan si ay ugu eegaan ama u helaan cuntada laga yaabo in ay miisaanka kordhiso. Arrintani waxa ay qofka ka caawinaysaa in uu garto noocyada cunto ee miisaankiisa hoos u rida iyo cuntooyinka kordhiya.

  1. Socodka: In qofku marka uu 40 sano gaadho uu joogteeyo socodku waxa ay ka caawisaa in uu jidhkiisu gubo dufanka, muruqyadu in aanay bukaan iyo in uu firfircooni dareemo, miisaankiisana xakameeyo.
  2. Cuntada ay ku badan tahay maadadda Omega3

Asiidhka dufanka ah ee Omega oo laga helo kalluunka iyo cuntooyinka qaarkood waxa ay si weyn u caawisaa dhimista miisaanka iyo in qofka ay dhexdu yaraato. Sababaha ugu badanna waxaa ka mid ah Omega3 oo qofka ku beerta dareen dhereg ah, taasina keento in qofku cunto yar cuno.

  1. Iska jir macmacaanka

Qofka oo iska ilaaliya macmacaanka badani waxa ay ka mid tahay hababka ugu fiican ee uu miisaanka ku dhimi karo afartan jirka kadib. Sida oo kale cilmibaadhiso la sameeyey ayaa isku xidhaya cuntooyinka shiilan iyo buurnida.

  1. Jimicsiga dhudhumada lugaha

In qofku Afartan jirka kadib uu joogteeyaa waxa ay ka caawisaa in miisaanka saayidka ahi si fudud uga dhaco, maadaama oo muruqyadu ay dhismayaan iyo dufan badan in uu gubto.

  1. Shaaha cagaaran

Cilmibaadhiso kala duwan ayaa ka marag kacay in joogtaynta cabbitaanka koob shaah ah oo cagaaran maalin kasta uu boqolkiiba 12 kordhiyo awoodda uu jidhku u leeyahay gubista dufanka.