Taliye Ku Xigeenka Asluubta Oo Beeniyey In Maxaabiista Dilalka Gaystay Hay’ado Lacago Ku Siiyaan Xabsiyada

0
831

Hargeysa(Geeska):-Taliye ku xigeenka ciidanka asluubta Somaliland sareeye guuto Xasan Cali Cawad, ayaa ka hadlay warar muddooyinkii danbe sheegayey in maxaabiista dilalka gaystay eek u xidhan xabsiyada dalka ay  lacago siiyaan hay’addo caalami ahi, waxaana uu arrintaasi ku tilmaamay been cad oo waxba kama jiraan ah, waxaana uu tibaaxay tahay dacaayad raqiisa oo waxba kama jiraan ah.

Sareeye guuto Xasan Cali Cawad,ayaa hadalkan ka sheegay mar uu shalay qaar ka mid ah warbaahinta kula hadlaayey magaalada Hargeysa. “Hortu maxaabiista anaga ayaa gacanta ku hayna,waxaana jira dacaayad Raqiis ah oo dhanaysa maxaabiista wax dila ayaa jeelka lacag lagu siiyaa, horta taasi majirto waana been meelahaas laga soo maluuqay”.Ayuu yidhi Sareeye guuto Xasan Cali Cawad.

Taliye ku xigeenka ciidanka asluubta Somaliland Xasan Cali Cawad, waxaa uu sida oo kale ka hadlay sababaha inta badan keena in aan la dilin maxaabiista dilka gaysata ee ku xidhan xabsiyada dalka, waxaana uu yidhi:

“Dawladu nidaamkii ay ugu talo gashay iyo qorshihii ay u dhigtay ayay wax waliba u socdaan,hortu marka uu qofku wax dilo saddex arrimood ayaa Banaan,In la dilo oo la qisaaso, in diinyo la kala qaato iyo in la saamaxo,arrinkaasina cid ayaa iska leh waana cida loo dilayo ayaa go’aanka ay doonto gaadhi karta, horta mid ayaa meesha taal marka uu dil dhaco ee maxkamadu xukunto dadkii maba soo noqdaan,markaas wax haboon Dadkii Doonayay in wax loo dilo in la helo,hadii kale cid ladilayaa majirto”.