Taliye Fadal Oo Ka Hadlay Ujeedada Safar Uu Ku Tagay Magaalada Lascanod

0
498

fadalHargaysa( Geeska )- Taliyaha ciidamda booliska Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa gaadhay magaaladda xarunta u ah gobalka Sool ee Laasacaanood.

Taliyaha ayaa waxyar kadib markii uu magaaladdaas gaadhay waxa uu sheegay inuu indho indhaynaayo xaalada booliska gobalka Sool, isla markaasna uu eegi doono bahiyaha gaar ka ah ee ay leeyahiin, isaga oo ku tilmaamay ciidamada boooliska ee Lasacaanood kuwo dhanka amaanka hawl adag ka qabta.

Taliyuhu waxa uu soo kormeeray xabsiga Laasacaanood,saldhiga dhaxe iyo xarumo kale oo ciidamada boolisku ay leeyahiin, waxaanu dardaaran ku siiyay intuu goobahaas maraayay ciidamada booliska inay dardargaliyaan xoojinta amaanka magaalada Laasacaanood, waxaanu safarkiisu ku soo beegmay iyadoo ay dhawaan dil iyo qarax ka dhaceen magaalada Lascanod oo muddo ka raysatay.

Waxaanu hadalkiisa ku bilaabay isaga oo warbaahinta la hadlaaya  taliye Cabdilaahi Fadal sidan "Waxaan u imid halkan inaan xog-ogaal u noqdo oo aan indha-indheeyo xaaladaha ay ku shaqeeyaan Booliska gobolka Sool, gaar ahaan magaalada Laascaanood oo aynu hadda joogno, sidii aan u ogaan lahaa baahiyooda gaarka ah iyo waxyaabaha lagama maarmaanka ah ee hawloshooda shaqo la xidhiidha ee hadda ka dhiman si loo tayeeyo guud ahaanba Booliska gobolka Sool, gaar ahaan xarunta gobolka oo ah Laascaanood."

Taliyaha ciidmada booliska Cabdilaahi Fadal Iiman ayaan hadalkiisa intaas ku gaabsaday, balse waxa la filayaa in kormeeka ka sokow uu taliyahu magaaladaas u tagay rabshado ka soo cusboonaaday oo mudooyinkii danbe laga ladnaa.

Waxa dhawaanahan lagu toogtay magaalada Laasacaanood xeer ilaaliye ku xigeenka magaaladaas, waxa kale oo banbo gacmeedyo hal askari ku naf waayay lagu weeraray guriga taliyaha sirdoonka ee gobalkaas, waxaana halkaas ka muuqata inay soo laabteen toogashooyinkii qorshaysnaa ee la’la beegsan jiray masuuliyiinta xilka ka haya gobalkaas oo siyaasadiisu tahay mid is badbadal badan oo intabadan rabshado dhabarka ku haysa.

taliyaha booliska Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa xalay ka soo laabtay safrikiisaas uu ku tagay magaalada Laasacaanood.