Taliyaha Guud Ee Booliska Oo Sheegay In Ammaanka Dalku Gacanta Ku Jiro Oo Uu Suganyahay, Bulshadana Ugu Baaqay In Soo Sheegaan Wixii Ay Ka Shakiyaan

0
587

Maxamed-Saqadhi-Dubbad (1)Hargeysa(Geeska)-Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland Md. Maxamed Saqadhi Dubad, ayaa sheegay inay ciidamada ammaanku gacanta ku hayaan xaaladda nabadgelyo ee dalka islamarkaana ay u diyaar yihiin cid kasta oo isku dayda inay nabadgelyada qaranka kharbudo.

Taliye Saqadhi oo xalay u waramay Wargeyska Geeska Afrika, isagoo ku sugnaa magaalada Berbera kana soo guryo noqday magaalada Burco, wuxuu yidhi “Imika [xalay] Berbera ayaan joogaa oo aan kaala hadlayaa, Burco ayaanan ka imid, markaa heegan baanu nahay afar iyo labaatanka saacadood, shaqadayadu waa istaanbay.” Ayuu yidhi Taliye Saqadhi, waxaanu intaas raaciyay, “Ammaanka Somaliland-na wuu kaantaroolan yahay, wax imika dhacayna ma hayno, wixii nala gudboonaadana horaan u qabanay oo waaniga imika halkan maraaya.”

Mar la weydiiyay ujeedada socdaalka uu ku tagay Burco iyo Berbera, wuxuu yidhi, “Socdaalkani waa wareegto caadiya oo kolba sidii aan wakhti u helnaan u samaynaa, xalayna [habeen hore] Burcaan ahaa imikaan ka imi, caawa [xalay]  Berberaan joogaa haddana Hargaysaan soo galayaa caawa [xalay].”

Talilye Maxamed Saqadhi Dubad, wuxuu bulshada Somaliland oo aad uga argagaxday qaraxii salaasadii ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Somaliya oo  ay Al-Shabaab sheegatay uu ugu bushaareeyay inaanay wax war war ah dareemin,  “Wax kasta diyaar baanu u nahay horaanu ugu diyaar garawnay, hawlihiina sidii aan ugu talo galnay ayay u socdaan, haddaan boliiskii oo dhan soo kaantaroolay shirkiina  waan la qaatay saraakiishii, wax dhibaato ahna ma hayno.”

Wuxuu ugu dambayn baaq u diray bulshada Somaliland, isagoo yidhi “Inaga ilaaliya cadowga, wixii aad qoonsataana booliska halkii idiinku dhaw u sheega, wax allaale iyo wixii aad qoonsataan Cirka,Dhulka iyo Badda meel uu maraayaba Boolis halka ugu dhaw la socodsiiya.”

Hargeysa(Geeska)-Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland Md. Maxamed Saqadhi Dubad, ayaa sheegay inay ciidamada ammaanku gacanta ku hayaan xaaladda nabadgelyo ee dalka islamarkaana ay u diyaar yihiin cid kasta oo isku dayda inay nabadgelyada qaranka kharbudo.