Qurbo-joogta Beesha Tumaal Oo Ka Soo Horjeestay In Kooto Siyaasada Lagaga Qayb Geliyo

0
760

 

Baaq uu soo saaray guddoomiyaha qurba joogta Beesha Tumaalada Mubaarik Jaamac Aadan (Fagadhe), ayaa lagu sheegay inay beeshu ka soo horjeedo in kooto wax lagu siiyo beesha.
 
Qoraal uu soo saaray Mr. Mubaarik, ayaa wuxuu ku sheegay  inay beeshu Madaxweyne Siilaanyo ku bogaadinayso guddiga uu u xulay ka soo tallo bixinta habka ay siyaasadda uga qayb geli karaan beelaha laga tirada badanyahay, waxase uu Mr. Mubarik sheegay inaanay aaminsanayn in laga tiro badanyahay isuna arkaan inay yihiin beel ka mid ah beelaha ugu tirada badan Somaliland. “Waxaanu soo dhawaynaynaa go’aankii taariikhiga ahaa ee labaatankii bishii September ee sanadkan 2011ay madax-dhaqameedka, odayaasha iyo waxgaradka beeshu ay ka soo saareen arinta kootada iyagoo kadoorbiday inay wax ku helaan si karaamo iyo sharaf leh halkii ay kursi kuheli lahaayaan wax ka been sheegaya tirada beesha iyo sharciga dalkaba, waxay runtii gaadheen gudoon xalaala oo ay kudiirsatay beeshu gudo iyo dibadba, waxa kale oo ay odayaashu dedefeeyeen isla markaasina ay aad isaga fogeeyeen magacyada runtii maalmahan aad ka loo isticmaalo oo ay kamid yihiin  dadka lahayb sooco  iyo dadka laga tirada badanyahay, waxay magacyadani ku yihiin niyad jab qofkasta oo han leh.” Ayuu yidhi, waxaanu intaas raaciyay, “Waxa kale oo aanu sii badhi-taaraynaa codsigii ay odayaashu udireen saxaafada dalka iyo ta debedaba ee ay kacodsadeen inaan lagu shaanbadayn magacyadaa aan kor kusoo sheegnay  cid kasta oo beesha u isticmaashana ay tahay cid beesha gef kagashay oo lagula xisaabtami doono.
 
Waxaanu odayasha ku dhiiri gelinaynaa inay ilaaliyaan midnimada beesha kuna xisaabtamaan waxa ay kartidooda iyo codkoodu ugooyaan. Geesta kale waxaa xusuus mudan in ay beeshu iyada oo intan ka yar ay kartideeda ku soo saartay xildhibaan si xalaal ah uga soo baxay magaalada Hargeysa wakhtigii ay Somaliland gobanimada ka qaaday gumaystihii Ingiriiska mudanahaas oo lagu magacaabi jiray Shuuriye Biixi Cabdi (AHUN). Waa in aynu had iyo jeer ka fekeraa mustaqbalka fog oo aanay aragtideenu noqon mid saaran qaanso girgirkeed sidaasi darteed waxaanu u aragnaa aragtida kootoda mid dadkayaga ku keeni karta in garaadka laga naafeeyo oo laga dhigo dad aan waxba qabsan karin isla markaasina ah kuwo malgacad lagu quudiyo sidii ilmo abaydin ah amase ruux bukaan ah. 
 
Wuxuu ka sheegay in arrintani cawaaqib xun ku keeni doonto beesha , waxaanu yidhi “Somaliland oo ah dal curdina oo ay wax kastaba bilow yihiin waxa qofkasta, beelkasta , iyo cidwaliba boqolka sano ee soo socda lagula macaamili doonaa cadka ay maanta goosato iyo waxa loo sharciyeeyo , Soomalidinu waxay maahmaahdaa “Alif kow ku xumaaday Albaqruu ku dhibaa” cidii maanta ogolaata inay kooto wax kugoosato iyadoo awooda inay codkeeda wax ku raadsato sida beelaha kalaba ay ugu raadsanayaan waxay darbi aan lajabin karin kunoqon doontaa qofkasta oo leh aqoon iyo karti inuu u han qal taago waxaan ahayn waxaa loo qoondeeyay. Mana dhici karto in waxaa wax kabadan uu ku fikiro, waayo? beeshiisa ayaa iyadoo xor ah ogolaatay in malgacad wax lagu siiyo, sharciguna noqon maayo mid maalin walba labedelo, waxa maanta lagu heshiiyo bedelisteedu waxay u baahan doontaa in la qaado afti dad-weyne, man aha wax sahlan runtii, waxa kale oo meesha kujiri doonta inaanad xaq uyeelanayn in lagu doorto waxna aad doorato waana mugdiga ugu weyn ee soo geli doona muwaadin nimadaada waayo muwaadinka waxaa lagu gartaa inuu wax dooran karo lana dooran karo.
 
Khatarta kale ee soo baxaysaa waxay noqon doontaa in kaadhka aad qaadanayso lagu qori doono cida aad tahay macnaha reerka aad kasoo jeedo si ay unoqoto sumad lagugu garto waayo dhici kari mayso inaad kooto wax ku qaadato kadibna aad codkaaga uga faa’idayso cidaad doonto. Waxaanu kusoo gaba gabaynaynaa qoraalkayaga  ilaahoow xaqa nagaran sii adaa noo aqoonee.”