Raysalwasaraha Kenya Oo Kulan Uu La Yeeshay Weftigii Deeqda Qaaday Ka Cadeeyay Inay Somaliland Xaq U Leedahay Aqoonsi

0
588

 

uvs111005-009Nayrobi(Geeska)-Raysalwasaaraha dalka Kenya Raila Odinga ayaa shalay qaabilay weftigii uu hoggaaminayay wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ee deegaanada waqooyi bari Kenya gaadhsiiyay deeqdii mucaawinada ahayd ee ay shacabka Somaliland iska ururiyeen.

 

Raysalwasaare Odinga, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay weftigaas Somaliland, waxaana kulankaas ku weheliyay guddoomiye xigeenka Baarlamaanka Kenya Faarax Macalin iyo masuuliyiintii kale ee ka tirsanayd weftiga Somaliland. Raysalwasaare Odinga oo kulankii weftiga hadal kooban ka jeediyay ayaa Somaliland uga mahadceliyay deeqda ay gaadhsiiyeen dadka ku tabaalaysan waqooyi bari Kenya, “Waxaad muujiseen walaaltinimo.” Ayuu yidhi Raila Odinga, waxaanu ka sheekeeyay xidhiidh sokeeye oo sannadihii lixdamaadkii xorriyad doonka Afrika ka dhaxayn jiray aabihii iyo Madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal. “Caawimada dadkan ay abaaruhu aafeeyeen aad ku caawiseen cunto iyo hoy ee aad xadka kala soo gudubteen waxay muujinaysaa guul.” Ayuu yidhi Raysalwasaaraha Kenya, waxaanu intaas raaciyay, “Waanu ognahay inay kaalmadiinu muujinayso walaaltinimo iyo bini-aadminimo. Fikirkaygana waxaad u qalantaan aqoonsi.”

Wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay inay umadda reer Somaliland go’aansadeen inay caawiyaan dadka ku tabaalaysan Somaliya iyo Kenya. Waxaanu dawladda Kenya uga mahadceliyay sida ay u soo dhaweeyeen weftigaas. Wasiir Khaliil waxa uu Raysalwasaaraha Kenya u gudbiyay salaam uu uga siday Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo. “Aad iyo aad ayaanu idiinka mahadcelinaynaa sida aad dalkiina noogu soo dhawayseen.” Ayuu ku yidhi Wasiirku,

Raysalwasaaraha Itoobiya. Wasiir Khaliil, wuxuu Raysalwasaaraha Kenya Raila Odinga u sheegay inay umadda reer Somaliland iyo dawladoodu qaateen doorkii looga baahnaa iyagoo weliba aan dhaqaale buuran haysan. “Mudane Raysalwasaare, waxaanu isa saarnay xil.” Ayuu ku yidhi Wasiirku.

Weftigii reer Somaliland ee deeqda u qaaday dalka Kenya ayaa si weyn looga dareemay magaalada Nayrobi iyo guud ahaan gobalka waqooyi bari ee ay Somalidu degto, waxaana ka muuqatay qaban qaabo iyo nidaam wanaagsan oo ay u qaybiyeen deeqda ay qaadeen.