Taliyaha Ciidanka Qaranka Oo Ka Hadlay Safar Uu Ku Tagay Sool

0
564

Picture2Hargeysa(Geeska)-Taliyaha guud ee ciidamada qaranka Somaliland, sarreeye gaas Ismaaciil Maxamed Cismaan(Shaqalle), oo ay weheliyaan saraakiil sarsare oo ka tirsan taliska guud ee ciidanka ayaa socdaal ku soo maray fadhiisimada Ciidanka qaranka ee aagga hore ee gobolka Sool.

Sareeye Gaas Shaqale, ayaa ciidamada qaranka kula dardaarmay feejignaan iyo inay laban laabaan heeganka ay ugu jiraan difaaca dalka, balse waxaanu soo hadal qaadin xiisada dagaal ee ka taagan bariga Laascaanood oo maamulka Puntland ciidamo keenay.

Taliyaha ayaa socdaalkiisa ku maray fadhiisimada ciidanka ee degaannada Xuddun,Gambadhe iyo Kala-baydh “Waxaan gobolkan Sool ku timid socdaal hawleed oo kuwii awal ba aan ku iman jiray ah, kaas oo ujeedadiisu tahay inaanu ciidanka qaranka cutubyadiisa kala duwan ku soo kormeero fadhiisimada, hawshaasi si fiican bay noogu dhacday, waanu soo bookhanay dhammaan fadhiisimada” ayuu yidhi Taliye Shaqalle oo saxaafadda kula hadlay Laascaanood . Taliyaha ciidanka qaranka Somaliland waxa uu sheegay inay halkaasi ku soo arkeen dhul barwaaqaysan oo Illaahay nimceeyay,waxaanu dardaaran u jeediyay ciidanka qaranka “Dhammaan saldhigyada gobolka Sool waxaan ku hambalyaynayaa hawshaas ay qaranka u hayaan sida xilkasnimada leh ee ay hadh iyo habeen u gudanayaan, waxaanan u soo jeedinayaa inay ka sii kordhiyaan feejignaanta iyo adeegga ay umadda u hayaan ba” ayuu yidhi taliyuhu.