Taliyaha Ciidanka Qaranka Oo Ka Hadlay Gaadhi Tikniko Ah Iyo Ciidan Khaatumo Ka Soo Goostay

1
618

Picture3Hargeysa(Geeska)-Taliska ciidamada qaranka Somaliland ayaa daboolka ka qaaday inuu kooxda Khaatumo ka soo goostay gaadhi tikniko ah iyo ciidan la socday.

War ka soo baxay Xafiiska Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sareeye Gaas- Ismaaciil Maxamed Cismaan (Shaqalle), ayaa shaaca ka qaaday in Gaadhi Tikniko ah oo ay la socdeen 14 askari ay ka soo goosteen kooxda nabad diidka ah ee Khaatumo-seeg.

Warku waxa uu intaasi ku daray in Ciidankani ay khamiistii ay u soo galeen ciidanka qaranka ee fadhigoodu yahay jiida Gambadha ee gobolka Sool.

Taliyaha ciidanka qaranku waxa kale oo uu warbixintiisa ku sheegay in kooxdan oo ka soo goostay maleeshiyada nabad diidka ah ee jiida Taleex ay go’aankan qaateen ka dib markii ay ku baraarugeen inaanu jirin wax qorshe ah iyo rajo ah oo ay kooxda Khaatumo u hayso.

Taliyaha Ciidanka qaranku waxa uu hore u sheegay inay soo dhaweynayaan cidii ka mid ah dhalinyarada la hubeeyay ee kooxaha nabad diidka ahi ka soo goosata.

Comments are closed.