Jaamacada Mount Kenya Oo Somaliya Fasax Uga Soo Qaadatay Laan Ay Somaliland Ka Furanayso

1
623

Nayrobi(Geeska)-Jaamacadda Mount Kenya, oo ka mid ah jaamacadaha ku yaala dalka Kenya, ayaa sheegtay in laan ay ka furanayso Somaliland, ay fasax uga soo qaadatay dawladda Somaliya. Warkan waxa shalay baahiyay wargeyska The Star, oo ka soo baxa magaalada Nayroobi ee Kenya.

Guddoomiyaha guddiga sare ee jaamacadaas Mr. Simon Nyutu, ayaa sheegay in dawladda Somaliya ay ogolaansho ku soo siisay inay laan ka furtaan Somaliland, waxaanu intaas raaciyay inay warqad ogolaansho ah ka haystaan dawldaas tamarta daran. Mr. Simon Nyutu, wuxuu hadalkan ka sheegay  soo dhawayn uu xarunta Jaamacadaas oo ku taala duleedka Nayroobi ugu sameeyay wasiirka dawladaha hoose ee Ruwaanda Mr. James Musoni iyo la taliyaha arrimaah dhaqaalaha ee Madaxweynaha Ruwaanda.

Inkastoo aanu guddoomiyaha golaha sare ee Jaamacadani carabaabin magaalada Somaliland ka tirsan ee ay jaamacadiisu faraca ka furanayso, haddana bishii September, ee sannadkii hore ayuu Wargeysyada dalkaas Kenya kasoo baxa u cadeeyay in jaamacadiisu laan ka furanayso caasimadda Hargeysa ee Somaliland, waxaanu macalinkani u muuqdaa nin la jaho-wareeriyay oo la geliyay fikrad ah inay dawladda Somaliya ka taliso wadanka Somaliland.

Guddiga tacliinta sare ee Somaliland, oo uu Geeska Afrika isku dayay inuu wax ka weydiiyo bal inay wax ka ogyihiin jaamacadan aaminsan in dawladda Somaliya awood u soo siin karto Somaliland, ayaanay noo suurtogelin.

Comments are closed.