Sheekh Aadan-Siiro Oo Bogaadiyay Qurbe-joogta Dibadbaxa Ka Dhigay Beljamka

0
614

Picture2Hargeysa (Geeska) -Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud Xiiray (Aaden Siiro), ayaa khudbadii Jimcaha ee shalay ku soo qaaday dibad-bixii  qorba joogta reer Somaliland ee dalalka Yurub ay ka hor dhigeen xarunta baarlamaanka midawga Yurub ee Brussells ee dalka Bilgium-ka.

Sheekh Aadan Siiro waxa uu amaanay dedaalka qadiyada Somaliland ay ugu jiraan qurba joogta reer Yurub, waxaanu si adag u sheegay in aanay dadka reer Somaliland waxba Muqdhisho u oolin.

Waxaana isaga oo arimahaas sheekhu ka hadlaya uu yidhi “ Koonfurta Somaliya waxaynu nidhi ilaahay dawlad ha siiyo, oo halkooda haku barakeeyo, laakiin addeer NO MORE XAMAR, boqol jeer-baanu u sheegnay halkaas waxba inoo ma yaalaan, nimankaas dareenkooda cabiray ee barafka soo jiidhay inaguna qoraal ayaynu qori kari la’nahay iyaguna caruurtoodii intay soo qaateen  oo qaarkood intaas oo kun oo Km ay ka yimadeen ayay calanka Somaliland soo qaateen oo ay is hortaageen baarlamaankii Yurub oo ay leeyahiin waar adeer masaakiintayadan ciida cunaysa laakiin isku filan maxaa nagu kiin diray, dalkan alle habarakeeyo dawladana waajibkeeda ha garan siiyo oo meel haynoo wada jeediyo.”

Dhanka kale waxa uu Sheekh Aadan Siiro  khudbadii salaada jimcaha lacag ururiyay qoys ka kooban afar caruura ah iyo waalidkood oo uu ka gubtay guri sandaqad ahaa oo ay ku noolaayeen.