Taliyaha Ciidanka Booliska Oo Amaro ka Soo Saaray Xawaaraha Lagu Waddo Gaadiidka

0
498

Picture2Hargeysa(Geeska):-Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, ayaa digniino adag u diray wadayaasha gaadiidka iskaga kala goosha gudaha magaalooyinka iyo goballada dalka, waxaana uu ugu baaqay in xawaaraha socodkooda ee magaalooyinka gudahiisa aanay dhaafin karin 30km halka ay magaalooyinka dibaddiisana aan la oggalayn in ay ka badiyaan 80km, isaga oo si gaar ah u tilmaamay in xawaaraha gaadiidka waaweyn aanay magaalooyinka dibaddiisa dhaafin karin 60km, waxaana uu ugu baaqay ciidanka ilaalada wadooyinka Somaliland in ay tallaabo sharciga waafaqsan ay ka qaadaan ciddii ku xad gudubta in ay gaadiidka ku wadaan wax ka badan xawaarahaas.

 Sareeye guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, ayaa hadalkan ku sheegay mar uu shalay la hadlaayey qaar ka mid ah warbaahinta, waxaana uu sida oo kale sheegay in hawl-galadii ku wajahnaa gaadiidka ee ay dhawaan bilaabeen ciidamada ilaalada waddooyinku uu u socdo si wanaagsa isl mar ahaantaana ay wax badan ku guulaysteen in ay ka qabtaan gaadiidka sida xoogga ah ugu socda xawaaraha aan loo baahnayn.

"Waxaan halkan dhammaan gaadiidleyda kuwa magaalooyinka gudahooda ku socdaala iyo dibaddoodaba aanu uga diraynaa, in ay magaalo dhexdeed ku socdaan 30km, ciidanka booliska ee magaalooyinka dhexdoodana waxaa laga rabaa in ay ku ilaaliyaan oo ninka ku dhaqmi waaya sharciga la mariyo oo la ganaaxo. Xawaaraha ay gaadiidku ku socon karaan magaalo dibaddeedna, waxa weeye 80km/saacaddiiba, xawaaraha ay gaadiidka waa weyni ku socon karaan magaalo dibaddeedna waa 60km, dhammaan waxaan halkan uga sheegayaa in xeerka waddooyinka Liisamadda ee 76 iyo 75 ay u kala baxaan A,B,C uu mamnuuc yahay in ninka gaadhiga yar ama garandaha ah, ama indhacadaha ah ama dukhaanta ah liisamadda ay haystaan in aanay ku ka xayn karin baabuurta waa weyn ama Iska-rogo ha noqoto, Booyad ama kuwa ka sii waaweynba kuma ka xayn karo oo xeerka ayaa diidaya, waana mid lagula xisaabtamayo oo talaabo sharciga waafaqsan lagaga qaadayo.”.Ayuu yidhi Cabdillaahi Fadal Iimaan.

Taliye Cabdillaahi Fadal Iimaan, ayaa sida oo kale ku ka digay in darawaliinta haysta Liisamada gawaadhiga yar yar aanay ka xayn gaadiidka waaweyn, waxa kale oo uu ka hadlay feejignaanta loogga baahan yahay wadaha gaadiidku in uu la yimaaddo wakhtiyada uu dhaafayo gaadhi kale oo ah baa uu yidhi meesha ugu khatarta badan ee inta badan ay ka dhacaan shilalka gaadiidka.

"Ciidanka waddooyinka ee gaadiidku hawl-galkii ugu danbeeyey ee ay qaadeen intii u shilku dhacay wax weyn ayaa ay ka qabteen iyaga oo fulinaaya xeerarkaas, Liisamadaas A iyo B laguma ka xayn karo gaadiidka waaweyn marka la eego qodobka 79 ee xeerka waddooyinka oo ka hadlaaya waxan la yidhaahdo isdhaafka oo had iyo jeer shilalka sababa oo ah waxyaabaha khatarta keena, waxa weeye waxa loo baahan yahay waa in halka uu wax ku dhaafi karo ay noqotaa meel ay ishiisu sugto oo uu wax ka dhaafi karo oo aanu gaadhi ku soo jirin ayaa uu xeerku tilmaamayaa aniga oo leh waa in la ilaaliya si aan khatar u galin naftiisa iyo nafaha dadka kaleba, nin wal oo Boolis ahina waxaa uu u xil saaran yahay in waxii sharciga khilaafa haddii ay sharci tahay iyo haday fal kale tahayba ay talaabo ka qaadaan, waxaana aan halkan bulshada uga sheegayaa in ninka kale ee Booliska ahi uu sharciyan kugu qabsan karo haddii aad qalad sharci oo wadada ah aad ku jirto iyo meelo kaleba".Ayuu yidhi Cabdilaahi Fadal Iimaan.