Madaxweyne Siilaanyo Oo Maanta Safar Ugu Baxaya Saddex Wadan Iyo Wasiir Xirsi Oo Markii U Horaysay La Filayo Inaanu Ka Mid Noqonin Weftigiisa

6
517

Picture7Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa maanta u kicitamaya safar uu ku tagayo saddex wadan oo reer Yurub ah, kuwaas oo kala ah Faransiiska, Ingiriiska iyo Turkiga.

 

Ma jiro war rasmi ah oo ay madaxtooyadu ka soo saartay safarka Madaxweynaha, laakiin ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika, u sheegay in Madaxweyne Siilaanyo uu saddexdaas wadan ku maqnaan doono toddoba maalmood. Wadanka Turkiga, ayaa la sheegayaa inuu kala soo hadli doono sidii ay qaab siman ugu qaybin lahaayeen deeqaha ay siiyaan Somaliland iyo Somaliya, , halka Faransiiskana la sheegayo inaanu cadayn ujeedada uu u tagayaa, waxase la ogyahay in safiirka Faransiiska ee Djibouti uu hore Madaxweyne Siilaanyo ugu fidiyay inuu safar ku tago dalkaas.

Wadanka Ingiriiska, ayay isna wararku sheegayaan inuu noqon doono wadanka u dambeeya ee uu lugta soo marin doono, waxaanay wararku sheegayaan in safarkiisa Ingiriisku yahay mid shakhsi.

Geesta kale, wasiirka awooda badan ee Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa markii u horaysay ka hadhaya Madaxweyne Siilaanyo, waxaana raacaya wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Biixi Yoonis iyo wasiirkii hore ee arrimaha dibadda oo wakhtigan ah wasiirka ganacsiga Maxamed Cabdillaahi Cumar.

Comments are closed.