Taliyaha Booliska Oo Soo Bandhigay Gaadhi Khamri Ah Oo La Qabtay

0
623

 

KHAMRIHargaysa( Geeska )-Taliyaha guud ee ciidanka booliska Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa sheegay in ciidamada amaanku ay gacanka ku dhigeen 30 jirikaan oo khamari ah iyo dadkii watay, waxaanu saxaafadda u soo bandhigay khamrigaas.

Taliyaha booliska oo warbaahinta ugu waramaayay xarunta taliska guud ee ciidamada booliska wax uu sheegay in ciidamada amaanku ay gacanta ku dhigeen gaadhi surf ah oo lagu siday khamrigaasi oo gaadhaya 600 oo litir oo  ku qabteen laba qof oo  siday.

Taliye Cabdilaahi Fadal ayaa sidoo kalena waxa uu warbaahinta u sheegay in khamrigan iyo gaadhiga ay ku qabteen iyo eedaysanayaasha wadayba in ay si dhakhso ah u horgayn doonaan maxkamada, waxaana isaga oo arimahaas ka hadlaaya uu yidhi "Halkan waxaan idiinku soo bandhigayaa hawlgal ciidanka boolisku sameeyay oo ay ku soo qabteen gaadhi seeraf ah oo siday khamri fara badan oo gaadhaya soddon jirikaan iyo laba eedaysane, taasi oo ciidanka boolisku ku guulaysteen eedaysaneyaashii iyo khamrigiiba, waxaana la hor geyn doonaa sharciga,maaha markii u horeysay ee ciidanku soo qabqabtaan khamri noocan oo kale ah balse waa hawsha ay u xil saaran yihiin, dadwaynaha waxaan u soo jeedinaynaa inay wixii ay mukhaadaraad arkaan la soo socodsiiyaan  ciidanka booliska oo ay gacan ku siiyaan ciidanku sidii uu u soo qaban lahaa."

Ciidamada booliska ayaa mudooyinkii ugu danbeeyay ku hawlanaa sidii ay u yarayn lahaayeen mukhaadaraadka dalka soo galaaya, kaas oo uu taliyaha ciidamada boolisku uu sheegay inay kaalin muhiim ah mukhaadaraadku ka ciyaaraan rabshadaha iyo dilalka dalka gudahiisa ka dhaca.