Cabdiraxmaan Dixood Oo Bogaadiyay Golaha Deegaanka Burco Ee Maayarka Doortay

0
723

 

dixoodHargeysa(Geeska)-Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil (Dixood) oo ah xubin ka tirsan guddiga doorashooyinka qaranka ayaa hambalyo iyo bogaadin u doortay golaha deegaanka Degmada Burco, oo shalay doortay maayarka iyo maayar xigeenka degmadaas.

 

Golaha cusub ee deegaanka Burco ayaa shalay yeeshay fadhigoodii u horeeyay waxaanay Guddoomiyaha Golaha deegaanka Burco ahna Maayarka magaaladaasi u doorteen Maxamed Yuusuf Cabdi (Muraad) kaas oo aanay jirin cid kula tartantay. Sidoo kale waxa Golaha deegaanka Burco ay u doorteen Guddoomiye Ku xigeen ahna Maayar Ku xigeenka Burco Muxumed Axmed Xasan (Xoday), oo aan isna cidi kula tartamin jagadaas.

Mudane Dixood oo guddiga doorashada maalmihii doorashada deegaanka wakiil uga ahaa magaalada Burco iyo guud ahaan gobalka Togdheer, ayaa mar uu xalay la soo xidhiidhay Geeska Afrika, wuxuu bogaadiyay doorashada maayarka, “Guud ahaan waxaan bogaadinayaa golaha deegaanka ee magaalada Burco, mar labaadkana waxaan bogaadinayaa maayarka iyo maayark ku xigeenka ay doorteen, taas oo muujinaysa masuuliyad ay guteen.” Ayuu yidhi Dixood, waxaanu intaas raaciyay, “Maayarka iyo maayar xigeenka la doortay waxaan Alle uga baryayaa inuu u fududeeyo xilka loo dhiibay, guud ahaan golaha deegaanka iyo masuuliyiinta la doortayna waxaan ugu baaqayaa inay muujiyaan isku duubni iyo wada jir.”