Muwaadin Xiskiisu Dhiman Yahay Oo 10 Kun Oo Doolar Inta Uu Dhulka Ka Helay Maalin Kadib La Soo Doontay Xil. Nacnac Oo Lahaa

0
554

 

 

Picture4Hargeysa(Geeska)-Magaalada caasimadda ah ee Hargeysa, waxa maalin kasta ka dhaca qisooyin cajiib ah oo bulshada soo jiita, mararka qaarna waxaaba lagu arkaa qisooyin ku cibro qaadasho mudan. Akhriste weli ma aragtay qof dhimirka ka buka oo suuqa ka helay lacag dhan $ 10,000 (Toban kun oo Dollar) oo maalin ka dib iyadoo dhammaystiran u geeyay qofkii ay ka luntay. Haddaba, qisadani doraad ayay ka dhacday magaalada Hargeysa.

Axadii doraad, ayuu Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), sanduuqiisa xisaabeed ee Dahab Shiil ka soo saaray lacag uu u hayay gabadh qaraabadiisa ah oo u dhiibatay taas oo dhammayd $ 80,000 (Siddeetan kun oo dollar), laakiin markuu uu cabaar jidka ku sii jiray ayuu dareemay inay lacagta ka maqantahay $ 20,000 (labaatan kun oo Dollar) oo uu dareemay inay dhulkaga kaga soo dhacday, waxaanu dib ugu noqday xarunta Gargaar ee Dahab Shiil, si uu uga soo hubiyo inuu kaga yimid, waxase uu haddana ogaaday inuu lacagtii xafiiska kala soo baxay.

Laakiin sida uu sheegay wakhti yar ka dib waxa u soo galay wiil dhallinyaro ah oo sida $ 10,000 (Toban ku Dollar) oo ka mid ah lacagtaas ka luntay xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye, waxase uu ka quustay tobankii kun ee kale. Xildhibaan Nacnac oo qisadan uga waramay Geeska Afrika, wuxuu sheegay in kamaradaha Dahab Shiil soo saareen nin maryo badan sita oo u muuqda inuu xanuunsanayo oo dhulka ku foorarsanaya, balse marna laguma guulaysan in la soo helo qofka uu ahaa. “Markii la yidhi qof u muuqda inuu xanuunsanayo ayaa dhulka ku foorarsaday, ayaan iska hoyday. Saaka [shalay] salaadii subax markaan tukaday, ayaan Alle ka baryay in dadkaas xanuunsanaya ee aan caawiyo uu Alle iigu soo dhiibo lacagtaas ammaanada ah ee aan hayay. Markii aan barqadii tagay xarunta Dahab Shiil ayaa la ii sheegay inuu nin xanuunsanaya oo lacagtii ila raadinayaa  xarunta yimid, dabadeedna nin ka mid ah shaqaalaha shirkadda ayaa ku yidhi waa aniga Nacnac, waxase uu yidhi adiga maaha oo xalay oo dhan ayaanu wada hadlaynee iigu yeedha.”

Xildhibaan Nacnac oo sheekada sii wadaa, wuxuu yidhi “Waxaan dabadeed ninkii xanuunsanayay ugu tagay meel uu joogay, waxaanu lacagtii tobanka kun ee Dollar ahayd uu ka soo saaray meel uu geliyay, isagoo yidhi lacagtii waa taas ee qaado, waxaanan ka isticmaalay $ 100 (Boqol Dollar) ee ii xalaalee, aniguna waxaan siiyay $ 200 (Laba boqol ) oo kale, waxaanan ku idhi waa kuu xalaala ee waad mahadsantahay. Aad iyo aad ayaan ugu farxay caawimada aan ka helay ninkaas, waxa aanan Allaha awoodda badan uga baryayaa in uu xiskiisa iyo guud ahaanba caafimaadkiisa u soo celiyo.”