Taliska Booliska Togdheer Oo Ka Hadlay Nin Shalay Badhtamaha Burco Lagu Dilay

0
624

Burco (Geeska) – Arbacadii Shalay, waxa Badhtamaha Magaalada Burco ka dhacay Dil toogasho ah, sida ay sheegeen Ciidammada Boolisku.

Nin lagu magacaabo Mustafe Axmed Cali oo 48 jir ah ayaa suuqa magaalada Burco ku toogtay nin la odhan jiray Cumar Cabdi Faarax oo 46 jir ahaa.

Taliyaha Qaybta booliska ee gobolka Togdheer gaashaanle sare Maxamed Faarax, ayaa sidaasi u sheegay Warbaahinta Shalay “Mustafe Axmed Cali oo 48 jir ah ayaa 9:30 subaxnimo suuqa Burco dhexdiisa ku toogtay marxuum la odhan jiray Cumar Cabdi Faarax oo 46 jir ah” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray Taliyuhu inay soo xidheen Mustafe Axmed Cali oo ku eedeysan falka dilka ah.

“Markii la noo soo sheegay muddo ilaa 30 daqiiqo ah gudaheed, ayaanu ku qabanay gacan ku dhiiglihii” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey  “Gacanta booliiska ayaanu ku hayna isla-markaana waxaanu horgayn doonaa sharciga”

Ninka falka dilka ah ku eedaysan, ayaa baastoolad u adeegsaday dilka marxuumka.

 

Geeska.net/Hargeisa Office