Maxkamadda Sare Ee Dastuuriga Ah Oo Ansixisay Natiijadii Doorashada Golaha Wakiillada Ee Komiishanku U Gudbiyey

0
460

Hargeysa (Geeska) – Maxkamadda sare ee Somaliland, ayaa si rasmi ah u ansixisay natiijadii hordhaca ahayd ee doorashada golaha wakiilada ee dalka ka dhacday 31-ka May, 2021.

Maxkamadda ayaa waafaqday natiijadii hordhaca ahayd ee ay soo saareen gudida doorashooyinku, isla-markana sideedii ku ansixisay.

Qaraarka Maxkamadda sare ku ansixisay Natiijadii hordhaca ahayd ee Komiishanku ka soo saaray doorashada, ayaa u qornayd sidan:-

 “Maxkamadda sare ee Dastuuriga ah ee JSL.

Markay aragtay:- Warqadda Summaddeedu tahay  KDQ/XK/0120/2021, kuna Taariikhaysan 09/06/2021, kana soo baxday Komiishanka doorashooyinka Qaranka JSL, ujeeddadeeduna ahayd, soo gudbinta Natiijada hor-dhaca ah  ee doorashada Golaha Wakiillada JSL – 2021.

Markay Deristay:- hubisayna Qoraalladii la xidhiidhay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada 2021, Xisaab ahaan iyo Sharci ahaanba ee uu Maxkamadda sare ee Dastuuriga ah u soo gudbiyey Komiishanka doorashooyinka Qaranka JSL.

Markay ka Gar-naqday:- Dhammaan Dacwadihii la xidhiidhay Natiijadii hordhaca ahayd ee doorashadii Golaha Wakiillada, Go’aana ka gaadhay.

Markay Aragtay:- Qodobbada 40, 42 (1), 97,98,101 ee dastuurka JSL.

Markay aragtay:- Qodobka 152 ee Xeerka guud ee doorashooyinka iyo Diwaangelinta Cod-bixiyeyaasha, xeer Lr.91/2020.

Markay Aragtay:- dhammaan Asbaabaha sare ku xusan waxay soo saartay Qaraarkan soo socda.

Qaraarka Maxkamadda

Maxkamadda sare ee Dastuuriga ah ee JSL.

  1. Waxay ansixisay Natiijadii hor-dhaca ahayd ee doorashada Golaha Wakiillada JSL ee 2021 ee komiishanka doorashooyinka Qaranku u soo gudbiyey Maxkamadda sare ee Dastuuriga ah JSL, Taariikhdu markay ahayd 09/06/2021.
  2. Liiska Mudaneyaasha ku guulaystay doorashada Golaha Wakiilladu JSL iyo Kaydkooduba wuxuu ku lifaaqan yahay
  3. Qaraarkani waxa uu soo baxay Maanta (Shalay) oo Taariikhdu tahay 07/07/2021..”

Qaraarkan oo ay ku saxeexan yihiin Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee JSL Gar-yaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed iyo Garsooreyaasha kale ee Maxkamadda sare, ayaa waxa lagu soo bandhigay xubnaha doorashada ku hadhay, balse Xisbiyada u noqonaya Kayd sugaya Xildhibaannada kuraasida u baneeya sababo iman kara.

Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa ka kooban 82 xubnood, kuwaasi oo kala matalaya 3-da Xisbi ee UCID, WADDANI iyo KULMIYE.

Geeska.net/Hargeisa Office