Taiwan Oo Ka Hadashay Ballaadhinta Dekedda Berbera, Garoonka diyaaradaha Ee Imaaraadku Maalgeliyey & Xasiloonida Ka Jirta Somaliland

0
1058

“Waxaan Ka Tagey Caasimadda Hargeysa Aniga Oo Aan Wadan Wax Ilaalo Ah, Waxaanan Si Kalsooni Leh Ku Imid Magaalo-Xeebeedda Berbera.” Safiirka Taiwan U Fadhiya Somliland

Berbera (Geeska) – Dawladda Taiwan oo Xafiis ku leh Somaliland ayaa ka hadashay Ahmiyadda Dekedda Berbera u leedahay Geeska Afrika iyo saamaynta horumarkeedu ku yeelanayo nolosha Bulshada reer Somaliland.

Safiirka Taiwan ee Somaliland Amb. Lou Chen-hwa ayaa sheegay in Berbera ay Somaliland u xidhayso Dunida inteeda kale, kaalin weyna ka ciyaarayso dhisnaha Dhaqaalaha ee Somaliland iyo dalalka kale ee Geeska Afrika.

Lou Chen-hwa oo Safarkiisii koowaad ku tagay Magaalada Berbera tan iyo markii loo Magacaabay Wakiilka Taiwan ee Somaliland ayaa sheegay inuu aad ula dhacay Kaabayaasha dhaqaalaha ee dhismahoodu ka socdo Berbera iyo Nabadgalyada guud ahaan Somaliland.

Safiirka oo sharraxaya goobaha uu booqday “Waxaan booqday Dekeddii hore iyo Dekedda cusub oo inteeda badan la dhamaystiray.” Ayuu yidhi Amb. Lou Chen-hwa, waxaanu intaa ku daray “Sidoo kale waxaan booqday Garoon cusub oo diyaaradeed oo dhamaystiray iyo Dhabbaha diyaaradaha oo la dhameeyay..”

Safiirku wuxuu Safar Taariikhi ah ku sheegay socdaalkiisa Berbera “Runtii, anigoo ah Safiirka Taiwan ee Jamhuuriyadda Somaliland, safarka aan ku imid Berbera wuxuu ii yahay taariikhi..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waxaan ka tagey caasimadda Hargeysa aniga oo aan wadan wax ilaalo ah, waxaanan si kalsooni leh ku imid magaalo-xeebeedda Berbera.”

Safiirka oo sheegay inuu safar noocan ah ka samayn doono Toddobaadkii laba jeer ayaa isagoo hadalkiisa sii wata yidhi  “Hore u socda..” sida uu shalay baahiyey Wargeyska Bussines Week oo Geeska Afrika soo xigtay.

 

Geeska.net/Hargeisa Office